HomeGuddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Oo Argtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Muddo Kordhinta Doorashada

Guddoomiyeyaasha Saddexda Xisbi Oo Argtiyo Kala Duwan Ka Bixiyay Muddo Kordhinta Doorashada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa  (SLpost) –  Guddoomiyeyaasha  saddexda xisbi qaran ee, KULMIYE, UCID  iyo WADDANI, ayaa dooda adag ka yeeshay muddo kordhintii ay Golaha Guurtiddu u sameeyeen Xukuumadda Somaliland iyo heshiiskii axsaabta qaranku ay ka gaadheen muddo kordhinta iyo dib u dhaca doorashooyinkaba.Xisbiyada

Doodan adag oo uu saddexda Guddoomiye ee axsaabta qaranka uu isku soo hor-fadhiisiyay  Weriye Xamse Cali Bul-bul oo ka tirsan Telefishanka madaxa banaan ee STAR, waxa ay dibada  soo saartay farqiga iyo khilaafka wali ka dhex taagan saddexda xisbi qaran ee la xidhiidha dib u dhicii ku yimid doorashooyinkii Madaxtooyadda iyo wakiiladda.

Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi ayaa ku dooday in dib u dhaca doorashadda uu sabab u yahay Guddoomiyaha xisbiga WADDANI, waxaanu yidhi   “Dib u dhaca Doorashooyinka kow waxa haysa cidii sharci dejinta innoo haysay oo Cabdiraxmaan Cirro kow ka yahay,  wuu ina horfadhiyaa, horta Faysal waxaan leeyahay  dhaliilaha badan iyo rajo la’aanta uu muujiyay  Faysal anigu lama qabo, 26-ka June khayr baa dhacaya  Haddii ALLE yidhaahdo  oo innagoo isku mid ah baynu dabaal-degaynaa. Maalintii Cabdiraxmaan (Guddoomiyaha xisbiga WADDANI) naga cadhooday,  waxaanu isku haysanay waar arrintaa aynu Guurtida ka qayb-gelino intaynaan go’aankaa dibada u soo saarin, hawl-galka Ninka looga baahan yahay ee Guurtida inuu qanicyo ay tahay waa adiga (Guddoomiye Cirro).”

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa dhinciisa ku dooday in Xukuumadda sabab u tahay dib u dhaca ku yimid doorashada, waxaanu yidhi “Xukuumaddu markii ay aragtay inay doorashadu soo dhawaatay  ayay haan-bireega xidhatay, carqalado badan bay bilowaday, xeerkii diwaangelinta ee Komishanku sameeyay bay tuurtay, Guurtidu wey  noo yeedhay waxaanu nidhi annagu waxaanu waafaqsan nahay in wakhtigii Komishanka inaad sharciyaysaan, UCID sidaasay ku tidhi, Komishanku sidaas ayuu  ku yidhi, KULMIYE waxaad doontaan sameeya buu yidhi, markaa tii KULMIYE ayay  raaceen. Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtida) waa KULMIYE.”

Sidoo kale Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa isna ku dooday “Maanta maalin aynu ka liidano may dhicin, 23 sanno ayaan Somaliland ilaalinayay oo maalin  aan innooga   baqo badan tahay ma Jirto, , bal cida laga  xoog badan yahay ee dhegaha laga furaysanayo ha la arko, markay 27 July ay gaadho haddii aynu intaas xal heli weyno bal car waa kaase Madaxweyne Siilaanyo ha sii fadhiyo, oo haddii intaa aanu nala heshiin oo wakhti aynu wada goosanay oo aynu ku ducaynay la wada gaadhin car waa kaase ha fadhiyo.” Doodan kulul oo dhamaystiran waxa lagu wadaa inay caawa ka baxdo Telefishanka STAR.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories