HomeGuddoomiye Muuse Biixi oo Madaxweynaha Jabuuti ku bogaadiyey Horumarka uu Dalkiisa iyo...

Guddoomiye Muuse Biixi oo Madaxweynaha Jabuuti ku bogaadiyey Horumarka uu Dalkiisa iyo Dadkiisa Gaadhsiiyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye Muj. Muuse Biixi Cabdi, ayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti ku bogaadiyey horumarka uu gaadhsiiyey dalkiisa iyo dadkiisa oo uu ku sifeeyey inuu ku-dayasho mudan yahay.

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye waxa kale oo uu madaxweynaha iyo Dawladda Jabuuti ku ammaanay kaalinta muuqata ee ay ka qaataan sidii loo heli lahaa deggenaansho iyo nabad ka tis-qaadda mandaqadda Geeska Afrika.

muuserMd Muuse Biixi, waxa uu sidaas ku sheegay war-saxaafadeed dhambaal hambalyo ah oo uu shacabka iyo Dawladda Jabuuti ugu diray Dabbaal-degga xuska 37aad ee maalinta Xornimada Jamhuuriyadda Jabuuti ee ay iska kiciyeen gumaystihii Faransiiska oo ku beegnayd 27-ka June, 1977-kii

Dhambaalka hambalyada ah ee Guddoomiyuhu u diray shacabka iyo dawladda Jabuuti, ayaa u qornaa sidan: “Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Md Muuse Biixi Cabdi isagoo ku hadlaya magaciisa , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Dawlada Djibouti iyo shacabkeeda xuska sanad guurada 37aad ee ka soo wareegtay maalintii ay xornimadda ka qaateen gumaystihii Faransiiska (France).

Gudoomiye muuse Biixi Cabdi waxa uu ku bogaadinaya Madaxwayne Ismaaciil Cumar Geele iyo Xukuumadiisaba horumarka baaxada leh ee ay dalkiisa iyo dadkoodaba gaadhsiiyeen oo ah mid mudan in lagu daydo iyo door ka ay dawladda Djibouti ka qaadato dadaalada nabada iyo xasilooni waarta oo guud ahaan ka hir gasha mandaqada geeska Africa lagu baadi goobayo.

Gudoomiyaha Kulmiye wuxuu Dhiirigalinayaa xidhiidhka walaaltinimada iyo saaxiibtinimada qotada dheer leh ee ka dhaxeeya Somaliland iyo Djibouti.

Gabagabadii wuxuu Gudoomiye Biixi mar labaad ku hambalyaynayaa shacbiga iyo Dawlada Djibouti xornimada iyo horumarka 37 jirsaday ee ay ku naaloonayaan maanta, isagoo u rajaynaya inay sanadkan kiisa ku gaadhaan wadajir iyo horumar.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories