HomeGuddoomiye Muuse Biixi oo ka Hadlay Go’aanka Madaxweynuhu ku kala Qaaday Doorashooyinka...

Guddoomiye Muuse Biixi oo ka Hadlay Go’aanka Madaxweynuhu ku kala Qaaday Doorashooyinka iyo Mowqifka Xisbiga WADDANI ka qaatay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbul-xaakimka KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbigaas Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo dhaweeyey go’aankii uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Axmed Maxamed Siilaanyo ka soo saaray muranka saami-qaybsiga kuraasta Golaha Wakiillada, kuna kala qaaday labada doorasho ee Madaxtooyada iyo Wakiillada oo hore ugu qorshaysnaa in la qabto 27 March 2017, balse hadda uu dib ugu riixay ta Golaha Wakiillada.

????????????????????????????????????

Guddoomiye Muuse Biixi oo warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa maanta, waxa ugu horrayn si mug leh u sharraxay duruufo lama dhaafaan ah oo hortaagan in doorashada Wakiillada la raaciyo midda madaxweynaha, kuwaas Golaha Baarlamaanka, ururrashada bulshada rayidka ah iyo Akadamiga Nabaddu xog-ururimo ay sameeyeen hoosta kaga xarriiqeen sida loogu kala aragti duwan yahay, una adagtahay in si fudud xal looga gaadho, isla markaana xisbiyada siyaasadda laftooda oo Madaxweynuhu hore ugu igmaday ay ku guuldarraysteen inay go’aan ka gaadhaan.

Sidoo kale, waxa uu xusay qabyooyin kale oo aan xilligan suurtogal ka dhigayn xal-u-hellida arrinta, waxaannu yidhi, “Marka duruufahaas oo dhan la eego iyadoo sharciga la eegayo oo xeerkii lagu galay doorashooyinkii barlamaankii uu jideeyey in saami-qaybsigan doorashooyinkaas oo keliya lagu galo oo aan mid labaad lagu gelin, waxa adkaatay in hawshii jirtey awgeed aan laga gaadhsiinin diyaarinta saami-qaybisga, waxa iyana jirtay oo taas barbar socotay inuu xeerku qoraayo in dalka laga qabto diiwaangelin madani ah si codadka loogu saleeyo saami-qaybsiga Golaha Baarlamaanka, diiwaangelintaasina way socotay, laakiin waxa dhacday in khilaafkii gobollada bariga ka jiray awgeed aanay diiwaangelintii ka hirgelin, tiina maanta nabaddan iyo xalintan khilaafaadka bariga oo maanta gebgebogebo ku dhaw ayaa u xal noqonaysa in diiwaangelintii barigana la sameeyo.”

Guddoomiyuhu waxa ku hambaleeyey Madaxweynaha go’aanka uu gaadhay, waxaannu ugu baaqay xisbiyada, gaar ahaan WADDANI in aannu hadal ka keenin heshiiskii ay hore u wada saxeexeen saddexda xisbi qaran,  “Markii intaas oo talo ah Madaxweynaha loo gudbiyey waxa uu u saaray xisbiyada qaranka oo ah kuwa doorashada ku shaqada lihi inay xal keenaan, runtiina eeddaas inay xal keeni waayaan waxa naga raacday doqonniimo qoladayadii xisbiyada, waayo waxaaba aannu ku heshiin weynay inaannu dooddii gudo-galno, xisbiga WADDANI waxa uu diiday in arrinta la gudo-galo, hadalna waxa uu isa soo taagay gelimaynee Madaxweynuhu xal ha keeno, wayna nagu adkaatay oo muddo bil ku dhaw baanu is horfadhinay, waxaanna aannu isla horfadhinay arrinta ma galnaa iyo gelimayno, aakhirkiina waxa aannu ku heshiinay saddexdayadii xisbi mar haddii aynu ka maagnay aynu Madaxweynaha ku celino, waxaana aanu raacinay oo wada saxeexnay arrintaas nin waliba ka maagay haddii aynu Madaxweynaha u gudbinno wixii dan qaran ah ee uu gaadho inaynu ku raacno oo aynaan ka hadal, goob-joogna waa loo wada ahaa.”

“Madaxweynuhu qaraar buu soo saaray xisbi ahaana waa ku raacsanahay, waana ku hambalyeynaynaa inuu go’aan soo saaray, aadna uga baaraandegay talooyin bandanna danta qaranka u qaatay, xisbiga WADDANI oo arrintaas diidayna waxaannu leenahay Soomaalidu waxa ay tidhaahdaa ‘Gar dabadeed baan Guuguu nacaye,’ wax baynu ku heshiin oo qoraal baynu saxeexnaye maanta dhawaaqaas aad keenteen lama filayn, saxna ilama aha, rag wixii uu ku heshiiyey waa inuu ku wada socdaaye waxaanan filayaa inaynu ku dedaalnaa doorashada madaxweynaha inaynu wakhtigeedii qabanno,” ayuu yidhi Md. Muuse Biixi.

Murashaxa Madaxweynaha KULMIYE waxa uu amakaag iyo layaab ku tilmaamay in xisbi mucaarad ahi ka soo horjeesto qabashada doorashooyinka Madaxtooyada oo uu madaxweynuhu ku adkaystay qabashadeeda, waxaannu yidhi, “Midina waa yaab oo xisbi mucaarad ah oo la leeyahay doorashadii madaxtooyada halla qabta oo diidan oo ka warwareegaya waa inoo kow, WADDANI-na waxaan leeyahay doorashada si wacan oo aan turxaan lahayn aynu ga wada qaybgalno.”

Halkan ka daawo muuqaalka Video-ga Guddoomiyaha

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories