HomeGuddoomiye ku-xigeenkii Saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI oo shil baabuur ku geeriyooday iyo...

Guddoomiye ku-xigeenkii Saddexaad ee Urur-siyaasadeedka WADDANI oo shil baabuur ku geeriyooday iyo dhaawacyo soo gaadhay Masuuliyiin kale

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Alle ha u naxariistee waxaa Maanta Shil baabuur ku geeriyooday Gudoomiye ku xigeenkii 3aad ee Urur Siyaasadeedka Wadani Marxuun C.laahi Siciid Ismaaciil (Cabdilaahi Dheere), halka uu dhaawacyo kala duwanina ka soo gaadheen Gudoomiye ku xigeenkii Shanaad ee Ururkaas Cabdi Raygal Beegsi,iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed oo ka tirsan Mudanayaasha Golaha Wakiilada, kadib markii uu gaadhi ay saarnaayeen kula qalibmay inta u dhaxaysa Wadada isku xidha Lafa Ruug iyo Abdaal .

Madaxdan ayaa ku sii jeeday Magaalada Berbera oo ay kaga hortageen Soo dhawaynta Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Wefti uu hogaaminayay oo dalka dib ugu laabtay galabta kadib markii ay soo dhamaysteen Booqasho ay in mudo ah ugu maqnaayeen dalka dibadiisa.

blankDhaawaca Gudoomiye ku xigeenka Afraad ee Urur Siyaasadeedka Wadani Cabdi Raygal Beegsi iyo Xildhibaan Cali Xaaji Maxamed ayaa lagu dawaynayaa Cisbitaalka Guud ee Caasimada Hargaysa iyadoo Mudane Cali Xaaji Maxamed la sheegay inuu dhaawaciisu culus yahay.

Madaxweynaha JSL, Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu tacsi u dirayaa Urur siyaasadeedka Waddani, oo uu ka tacsiyadaynaayo geerida ku timid gudoomiye ku xigeenkii saddexaad ee Urur siyaasadeedka Waddani  ALLA ha u naxariistee CABDILAAHI SICIID DHEERE oo maanta ku geeriyooday Shil baabuur oo ka dhacay Berbera iyo Hargeysa Dhexdooda.

blank
Marxuum Cabdilaahi Siciid dheere

Madaxweynuhu waxa uu si gaara uga tacsiyadaynayaa Gudoomiyaha Urur siyaasadeedka Waddani ahna Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

MARXUUM CABDILAAHI SICIID DHEERE waxa uu ka mid ahaa aqoon yahankii ka soo qayb qaatay nabadayntii iyo dawladnimada Somaliland,

Wuxuu ka mid ahaa masuuliyiintii ka soo qayb qaatay bilowgii nidaamka dimu-quraadiyada ee Somaliland ka hana qaaday.

Madaxwaynuhu waxa uu ILLAAHAY uga baryayaa Marxuumka inuu naxariistii janno ka waraabiyo, Urur siyaasadeedka Waddani, Masuuliyiintiisa iyo taageerayaashiisa, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii, iyo Dhamaan Shacbiga reer Somaliland,  ee uu ka baxayna Samir iyo Imaan ka siiyo.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane C.raxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii  uu ka baxay alle ha u  naxariistee Marxuun C.laahi Siciid Dheere.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ahna guddoomiyaha urur-siyaasadeedka WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro ayaa tacsi u diray Qoyskii,Qaraabadii  uu ka baxay alle ha u  naxariistee Marxuun Cabdilaahi Siciid Dheere.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories