HomeGuddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada Haya oo Dhaleecayn u jeediyay Xukuumadda

Guddoomiye ku-xigeenka Xisbiga Talada Haya oo Dhaleecayn u jeediyay Xukuumadda

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

blankHargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga talada Dalka haya ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir Faarax, ayaa si adag u naqdiyay saami qaybsiga Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo uu ku tilmaamay inuu ku badhi-furay ballantii beesha uu ka soo jeedo.

Guddoomiye ku-xigeenku waxa uu sheegay in beeshiisa dhamaan laga xayuubiyay xilalkii sare ee ay Xukuumadda ka hayeen, isla markaana waqtigan aanay haba yaraatee aanu jirin masuul qudha oo ka tirsan Xukuumadda talada haysa.

Waxa kale oo uu Cabdiraxmaan Cabdiqaadir carrabaabay inuu afkiisa ula tagey Madaxweyne Siilaanyo oo uu kala hadlay saami-qaybsiga beeshiisa, isla markaana uu tilmaamay in ballantii uu la galay ay u muuqato mid uu Madaxweynuhu ka baxay.

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee KULMIYE oo xalay u warramay Telefishan Horn Cable waxa uu ku eedeeyay masuuliyiinta u sareysa maamulku inay ku dhaqmaan is-kooxaysi iyo is-xulafaysi ay qob-qobnaani ku dhisan, taasoo uu tilmaamay inaanay dawladnimadu ku dhismayn.

Guddoomiye ku-xigeenka oo arrimahaas ka hadlayaana waxa uu yidhi: “Beesha qaybteedii Sanaag deganayd xisbi kale oo cod ka helay ma jiro KULMIYE mooyee, markaa waxaanu isu haysaynay inaanu cod wayn ka gaysanay, rag badan oo beesha ka mid ah oo halyayo ah si fiican ayay guushaa uga shaqeeyeen oo qayb wayn ayay ka qaateen, xaga dhaqaalaha waxaanu u haysanaa anagu inaanu nahay beelaha tirada yar ee aan KULMIYE iyo Axmed Siilaanyo waydiisan dhaqaale aanu ku ololayno ee anagu kaayagii inaanu la la nimi oo aanu isagana wax ku tarnay ayaan u haystaa, markaa beeshu iyadoo halgankaa soo gashay oo cadaawadii hore meel iska dhigtay.

Waxa dhacay nin kasta oo beeshaa ka mid ahaa oo jago hayay waa laga qaaday jagadii oo ay ku jiraan sagaal Agaasime guud oo hay’ado kale ku jiraan intaba nin walba gooni ayaa loo khaarajiyay.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenku.

Waxa uu Guddoomiye ku-xigeenku ka sheekeeyay qiso uu kala kulmay Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi Cabdi, waxaanu yidhi:  “Qisooyinka aan la yaabo waxa ka mid ah Wasiirka Duulista Hawada Maxamuud Xaashi  ayaan maalin aniga oo ka cabanaya waxaan ku idhi waydinkan oo seeftii ayaad na wada mariseene inan baa joogta Madaarkee bal inantaas noo ogow. Maalintaasi Khamiis ayay ahayd, Sabtidii ayuu inantii soo khaarajiyay, anigiibaa is idhi malaha haddii aanad u sheegi lahayn inantu jagadeeda way iska haysan lahayd.”

Waxa kale oo uu ka hadlay ballan ay wada qaateen Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), isla markaana waxa uu Madaxweynaha ku dhaliilay inuu u muuqdo mid ka baxay ballantaas. “Anigu Axmed Siilaanyo waan u tagey waan u sheegay, waxaan idhi Axmedaw waad garaynaysaa adiga iyo beeshayda taariikhda idinka dhexaysay, wanaaga imika idin dhexmaray iyo sida ay idinku dedaaleenna waad ka warhaysaa dee waxani ma si aan ku talogal ahayn ayay ku dhaceen oo way kaa hoostay, mise ogaan ayaa loo sameeyay, wuxuu igu yidhi maan ogayn anigu arrintaas maan ogayn, waxbaynu ka qabanaynaa aniga igu daa’, ballantaas ayuu ii qaaday buug uu wax ku qorto ayuu ku qortay, eraygaa markaa ku idhi ka dib laba ilaa saddex sarkaal oo beesha ka tirsan ayaa la khaarajiyay, markaa hadalkaygii wax allaale wax laga soo qaaday ma jirto, dawladaa dhan waxa nagaga hadhsanaa Dr. Gaboose, isagiina waa kii meesha ka baxay, qarankaa dhan maamulkiisii sare reerka wax alla wax kaga jiraa ma jiraan.”

Sidoo kale, Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir waxa uu Masuuliyiinta Xukuumadda u sareysa ku dhaliilay kala qob-qobnaan iyo is-xulafaysi kooxaysi ku dhisan. “Mid nasiib darro ah ayaa jirta aniga oo aan dawlada xumaan ku sheegayn, dawladii hore ee UDUB dawlad ahaan anaga ayaa ka wanaagsan nin iyo nin haddii aad u qiimaysid uma dhigmaan, laakiin mid ayay nagu dhaameen dawladoodu waxay ahayd koox wada socota oo kubadda dhinac u wada eryaya oo sirtooda ilaashada oo is-taageera oo aan is-mijo xaabin, anagu taas ma lihin dawladayadii ma wada shaqayso, iskuma xidhna, way iskala xulafaysataa, koox-koox ayay noqotay, dawladnimo sidaa kuma shaqayso, xurgufooyin yar yar oo Madaxtooyada taalaa way jirtaa, waxaan leeyahay taas haddaan wax laga qabanin wixii kale ee la is-yidhaahdo qabtaba waxay noqonayaan khasaare.” ayuu yidhi Guddoomiye ku-xigeenka 1aad ee Xisbiga KULMIYE Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

Somalilandpost.net

Editor@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories