HomeGuddoomiye Ku Xigeenka Wakiillada iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay...

Guddoomiye Ku Xigeenka Wakiillada iyo Wefti Uu Hogaaminayo Oo Gaadhay Laascaanood

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Laascaanood, (SLpost)- Wefti ballaadhan oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiilladda ee Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa shalay gaadhay magaaladda Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Weftigaasi oo  ay ka mid ahaayeen  wasiirradda Hawlaha guud iyo guriyaynta  Cabdirisaaq Khaliif Axmed iyo wasiirka  waxbarashada Faarax Cilmi Geedoole iyo masuuliyiin ka socda shirkadda Hass Petroleum oo doonaya in ay mashaariic ka soo hirgeliyaan gobolka Sool.

Markii  ay weftigaasi gaadheen magaaladda Laascaanood si weyn u soo dhaweeyay maamulka heer gobol iyo heer degmo.

Iyadoo munaasibad  lagu soo dhawaynayay weftigaasi  lagu qabtay magaaladda Laascaanood, taasi oo ay hadalo ka jeediyeen masuuliyiintii weftiga ahaa iyo sidoo kale masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Sool.

Gudoomiye  ku xigeenka koowaad ee golaha Wakiiladda   oo  hadal ka jeediyay munasibadaasi ayaa ka waramay ujeedada safarkooda, isagoo masuuliyiinta gobolka ee soo dhaweeyayna uga mahad naqay sida fiican ee ay u soo dhaweeyeen.

Waxaanu  yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay in aanu nimaadno Laascaanood, gudoomiyaha gobolka, Maayarka, taliyaha booliska, shaqaalaha kala duwan ee dawlada ee nagu soo dhaweeyay  Laascaanood aad iyo aad baan ugu mahad celinayaa. socdkayga maanta (shalay) waxa uu ahaa in  Cabdinaasir oo ah gudoomiyaha shirkadda Hass iyo Car inay dhagax dhigayaan iskuulo boodhin ah, mid gab-dhaha ah iyo mid wiilasha ah oo laga hir galinayo gobolka  oo  ay u dhagax dhigayaan wasaaradda  waxbarashada  oo uu wasiirku inagala socdo”.

Mudane Baashe Maxamed Faarax,  waxa kale oo uu intaa ku daray   “Magaaladani waa magaaladaydii, waxaanan  ku  faraxsanahay horumarka ka socda.  Waxaanu  ku farax sanahay nabad gelyadda, waxaanu ku faraxsanahay maamulka isku xidhan ee wada shaqeeya.  markaa waxaan aad iyo aad ugu faraxnay horumarka Laascaanood, waxaasna waxa keenaya waa nabad galyada”ayuu yidhi guddooiye Baashe.

Guddoomiyaha gobolka Sool Yaasiin Maxamed Shide,  oo  isna halkaasi ka hadlay ayaa   weftigaasi  uga mahad naqay booqashadooda ay ku yimaadeen Laascaanood.Waxaanu  yidhi “Waxaan idin leeyahay Gudoomiye ku soo dhawaada adiga iyo golaha wsiirada ee aad hogaaminayso, guud ahaan gobolka Sool, gaar ahaan degmada Laascaanood.

Sidaad  ka warhaysaan gobolka wuu nabad qabaa, Wax dhib ah  oo jiraa ma jirto ee horumarkiina iyo waxa aad ka qabateena waad arki doontaan, halka uu maraayo, haddii ay wadooyinka noqoto ama isteeshinada ama goobaha waxbarshada, waxaan idin leeyahay mar labaad ku soo dhawaada gobolka”.

Sidoo kale waxaa halkaasi hadallo ka jeediyay masuuliyiin uu ka mid ahaa maayarka magaaladda Laascaanood, taliyaha qaybta booliska Sool iyo xildhibaano ka tirsan golaha degaanka Laascaanood.

 

 

 

 

 

 

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories