HomeGuddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiillada Oo Sheegay Inuu Soo Dhawaynayo La Dagaalanka...

Guddoomiye Ku Xigeenka Golaha Wakiillada Oo Sheegay Inuu Soo Dhawaynayo La Dagaalanka Musuqa Ee Madaxweynuhu Iclaamiyay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, ayaa sheegay inay muhiim tahay in hantida qaranka la ilaaliyo madaama ay Doorashadii Madaxtooyadu fooda inagu soo hayso, dhawr biloodna inaga xigaan, waxaanu Madaxweynaha ku bogaadiyey wareegtadii uu ka soo saaray in lala dagaalamo musuq-maasuqa.

baashe_maxamuud

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada Baashe Maxamed Faarax, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika oo aanu warkan ka soo xiganay ayaa sidoo kale guud ahaan Bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay nabadgalyadooda ilaashadan, oo ay is caawiyaan, waxaanu ku taliyey in la xakameeyo cudurka shuban biyoodka ee deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay, waxaanu ka digay in aanu sii fidin, waxaanu ugu horeyn uu yidhi “Markan oo kale ee ay Dawladduhu is bedelayaan, wakhtiguna ku soo dhawaado, kalsoonidu wey yaraata, in hantida dadka la ilaaliyaana waa muhiim,in Madaxweynuhuna ku dhaqaaqo talaabadan ah in musuq-maasuqa lala dagaalamo, waa talaabo fiican oo aan ku bogaadinayo, in hantideena ilaashano oo ay waddo xalaal ah maraan iyana waa talaabo aad u fiican oo loo baahan yahay”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiiladu mar uu baaq u diraayey Bulshada wuxuu yidhi “Bulshada reer Somaliland waxaan ku dhiirigelinayaa inaynu nabadgalyadeena ilaashano, inaynu is caawino, inaynu isku naxno, inaynu isku gurmano”

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Wakiilada mar uu ka hadlaayey cudurka Shuban biyoodka ee deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay ayaa yidhi“Shubanka mar haddii uu meel ka bilaamo isma taago, ee meelo kale ayuu ka bilaabma, madaama dadkii aan la kala celin karin, oo ay gaawadhida soo raacayaan, in la daweeyo dadka uu shubanku ku dhacay iyo in la xakameeyo weeye, si aanu cudurkani u sii fidin”.

Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Wakiilada ayaa dhinaca kale wuxuu ka hadlay xuska 18-may, oo maalmo inaga xigaan, waxaanu sheegay inuu Madaxweynaha ugu mahadnaqayo inuu baajiyo madaama abaaro dalka ka jiraan, waxaanu tilmaamay in qorshe fiican tahay in kharashka lagu qabanayo xuska 18-may lagu caawiyo dadka ay abaaruhu hayaan.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories