HomeGuddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo Abaabulka Cambaareyn loo jeediyey ku eedeeyey Sarkaal...

Guddoomiye ku-xigeenka Golaha Wakiillada oo Abaabulka Cambaareyn loo jeediyey ku eedeeyey Sarkaal Wasaaradda Daakhiliga ka tirsan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

CALI YUUSUFHargeysa (SLpost)-Guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Wakiilada MCali Aw Yuusuf Axmed, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay war lagu baahiyey saxaafadda qaarkeed, kaas oo koox odayaal ahi oo beeshiisa ka tirsan eedaymo ugu jeediyeen guddoomiyaha, kuna sheegeen inay beel ahaan kalsoonidii kala noqdeen Md Cali Yuusuf.

Md Cali Yuusuf waxa uu masuuliyadda abaabulka odayaasha cambaareynta u jeediyey dusha ka saaray sarkaal ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha oo uu magaciisa ku sheegay Cali Xasan Cawaale, kaas oo u ku sheegay inuu duullaan ku yahay isla markaana baadi-doonayo xil miisaan leh oo xukuumadda looga magacaabo

Guddoomiye Cali Yuusuf Axmed waxa uu sheegay in Agaasimaha Waaxda Gobolada iyo Siyaasada ee Wasaarada Daakhiliga Somaliland uu ka dambeeyo isla markaana nacayb hor leh ka dhex abuurayo beesha ay ka soo wada-jeedaan, waxaanu sheegay inaanu jirin khilaaf ka dhexeeya isaga madax-dhaqameedka Beesha Subeer-Celi (Arab) ee uu guddoomiye Cali Yuusuf ka dhashay.

 “Arrinta lagu qoray  saxaafadda waxa ku taala waxgaradka iyo hogaamiye dhaqameedyada beesha ayaa kala noqday kalsoonidii Cali Aw Yuusuf Axmed Markaa ma jirto dad ka tirsan beesha oo waxgarada oo yidhi sidaasi ma jirto waayo waxgaradka aqoonyahanada iyo hogaamiyeyaasha beesha aad iyo aad ayaan iskugu wanaagsan nahay,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

Guddoomiye Cali Yuusuf waxa uu masuuliyadda Arrintaas ku eedeeyey, “arrintaasi nin kaliya ayaa qoray, ninka qorayna waxa weeyaan waa nin layidhaahdo Cali Xasan Cawaale oo wasaarada arrimaha gudaha ka shaqeeya.”

Cali Aw Yuusuf  waxa uu ku eedeeyay Agaasimaha goboladda ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha  inuu yahay nin xil u buka. “Waa nin xil u  buka weeyaan xil ka wayn oo aanu qaadi karayn ayuu hayaa nasiib daro kol baa la doonayay in laga wareejiyo aniga ayaa idhi bal ha loo daayo oo  jaanis kale ha la siiyo, kolkaa nin dawlada u shaqeeya oo xil hayaa in uu dacaayad been ah uu fidiyo waa nasiib darro weeyaan, waxa kalena ma aha waxa uu leeyahay xildhibaan loo diiday iyo dawladu waxay na siin lahayd buu  Cali naga horjoogsaday isaga ayaa u buka in laga dhigo ayuu doonayaa xoghayaha dawlada hoose ee Hargeysa. Xoghayaha dawlada hoose nin baa jooga haddii ay noqoto in laga qaado cid kale la siiyo dawladu iyadaa taqaan ciday kala tashanayso iyo ciday u garanayso,” ayuu yidhi Cali Yuusuf.

 Dhanka kale, Agaasimaha Waaxda  Gobolada iyo Siyaasada ee Wasaarada Arrimaha Gudaha Cali Xasan Cawaale, ayaa isaguna dhinac isaga duway eedaymaha Guddoomiye Cali  Yuusuf u jeediyay, waxaanu ku dooday inaanu  soo agaasimin odayaasha bayaanka ku soo qoray qaar ka mid ah warbaahinta. Waxa kale oo uu intaasi ku daray inuu isagu yahay shaqaale dawladeed oo aanay u banaanayn inuu dhex galo siyaasadda.

SOMALILANDPOST.NET

HARGEYSA/SOMALILAND

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories