HomeGuddoomiye ku-xigeenka DAWAN MEDIA GROUP oo sharraxay Qorshe ay Midabka kaga Beddeleen...

Guddoomiye ku-xigeenka DAWAN MEDIA GROUP oo sharraxay Qorshe ay Midabka kaga Beddeleen Wargeysyadooda

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiye Ku xigeenka ahna Tifaftiraha Guud ee Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax, ayaa tafaasiil ka bixiyay Qorsheyaasha horumarinta saddexda Wargeys ee DAWAN Media Group, kuwaasi oo dhawaan lagu soo saaray midab kalar ah (Colour).

cumar faaraxGuddoomiye Ku xigeenka wargeyska DAWAN oo maanta xafiiskiisa ugu warramayay warbaahinta, waxa uu sheegay inay ka beddeleen midabkii hore ay ugu soo bixi jireen Saddexda Wargeys ee ku soo baxa luuqadaha Soomaaliga, Carabiga iyo English, kuwaas oo Muuqaal Colour ah laga dhigay boggaga ay ku soo baxaan qaarkood.

“Waxaan idiin sheegayaa in muddo tabaneeye maalmood ku dhow wargeysyada DAWAN Media Group oo ah saddex wargeys oo mataanno ah oo kala ah Wargeyska DAWAN oo afar maalinle ah, Wargeyska Ingiriisiga ku soo baxa ee THE HORN TRIBUNE iyo wargeyska carabiga ah ee QARNUL IFRIIQI, ay saddexdaba aanu ka dhignay inay ku soo baxaan kalar oo aanu ka guurnay nidaamkii hore ee ahaa (Black and white-ka) ahaa oo imika nidaamkan cusub ee aanu u guurnay wuu tijaabo baxay. Waxaana aanu midabaynay bogga koowaad iyo ka 12-aad ee wargeyska, taasi oo si fiican ay u soo dhaweeyeen akhristeyaashayadda oo dareen togan kaga fal celiyay,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka DAWAN MEDIA GROUP.


Guddoomiye Ku xigeenku waxa uu sheegay in wargeyskoodu uu yahay kii u horeeyay ee dalka ka soo baxa ee tallaabadan midabka ah u guuray, waxaanu intaas ku daray in ay qorshaha dhow ay ugu jirto sidii ay 12-ka bog ee wargeyskaba u midabayn lahaayeen.

Cumar Maxamed Faarax waxa uu ku ammaanay tallaabaddan Guddoomiyaha DAWAN MEDIA GROUP Maxamed Cismaan Mirre (Sayid) iyo Wasiirka Warfaafinta Md. Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), waxaanu yidhi “Waxaan ku ammaanayaa tallaabadan inuu budh-dhig u ahaa Guddoomiyaha DAWAN oo in badan isku hawlay, waxa kale oo aan uga mahad celinayaa oo iyaguna hormuud noogu ahaa ficil u rogista qorshahan Wasiirka Warfaafinta iyo Ku xigeenkiisa.”

“Runtii arrintani waxay qeyb ka tahay uun horumarin joogto ah oo wargeyadda qaranka lagu sameynayay afartii sanadood ee xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo xilka haysay, waxa wargeyska DAWAN ka kooban yahay 12 bog, halka wargeysyadda kale ee dalka ka soo baxaa ay yihiin 8 bog oo kaliya. Waxaanu wargeysku mudadaasi u qabsoomay waxyaabo badan, waxaanu noqday wargeys dhex dhexaad ah oo xataa xil iska saaro inuu si wax dhisid ah u soo bandhigo dhaliilaha Hay’adaha dawliga ah ee dalka, madax-banaanidaasi oo aanaan hore u haysanin intii aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo xilka qabinin,”ayuu yidhi Guddoomiye Ku xigeenka Wargeyska DAWAN Cumar Maxamed Faarax.

Waxa kale oo uu ku dooday in qorshaha kalarka cusub ee wargeysku u guuray ay u soo jiidayso in sharaa’iga Ganacsiga dalka ay u sameeyaan xayaysiisyo ka Qurux badan sidii hore isla markaana ay kor u qaadayso akhristeyaashoodii.

 

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories