HomeGuddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Wakiillada oo sheegay in Guddoomiye Cirro ku Wacad-furay...

Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Wakiillada oo sheegay in Guddoomiye Cirro ku Wacad-furay go’aan Shir-guddoonkoodu Isla Qaatay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Go’aan ay aqlabiyadda mudaneyaashii Aqalka wakiilladu shalay ku meel-mariyeen wax ka-beddel lagu sameeyey xeer-hoosaadka golahooda, ayaa weji kale oo siyaasadeed u beddelay khilaaf u muuqday in xalkiisa la gaadhay oo u dhexeeyey Shir-guddoonka golaha Wakiillada.

Dr Cali YuusufGuddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha Wakiillada Somaliland Md Cali Yuusuf, ayaa nasiib-darro aan laga soo waaqsan Karin oo xad-gudub ku ah distoorka dalka ku sifeeyey ansixinta wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeer-hoosaadka golaha Wakiillada, kaas oo ku tilmaamay mid laga lahaa dano-siyaasadeed, qorshaha lagu fuliyeyna uu soo maleegayey guddoomiyaha golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro.

Md Cali Yuusuf oo shalay warbaabinta kula hadlay magaalada Hargeysa ka dib go’aanka ay mudaneyaashu dorraad ku meelmariyeen xeerkaas, ka dib markii isaga iyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad Md Baashe ay cadho kaga baxeen golahaas, waxa uu ku dooday inay ka horimanayso dastuurka dalka in shirguddoonka golaha Wakiillada kooto loogu xidho shakhsi kaliya, maadama uu dastuurku tilmaamayo tirada iyo awoodaha xubnaha shir-guddoonka oo saddex ka kooban.

Mudane Cali Yuusuf oo Arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Golaha wakiiladu intii uu jirayna wuxuu lahaa shirgudoon dastuurka ayaana tilmaamayey. Nasiib daro waxa dhacday in shirgudoonkii la baabiiyey.

Xeerhoosaadkii hore ee golaha wakiilada qodob-qodob ayaa loogu codeeyey, balse xeerkan inyar oo isa soo qanjiidhsatay ayaa isugu timid, oo gudoomiyuhuna la ogaa, iyadoon laga fiirsan waxa meesha ku jira.”

Mudane Cali Yuusuf waxa uu sheegay inuu khaladaad badani ka muuqday qodobbada uu ka kooban yahay xeer-hoosaadka golaha ee mudaneyaashu codka u qaadeen. “Golaha wakiiladu waxay ansixiyeen xeerhoosaad cusub oo ay khaladaad farobadani ku jiraan. Somaliland 23 sanadood ayeynu ku soo dhaqmaynay xeerarka iyo dastuurkeena oo aynu ku caano maalnay, heer fiicana waynu ku gaadhnay, golaha wakiiladu intii uu jirayna wuxuu lahaa shirgudoon dastuurka ayaana tilmaamayey,” ayuu yidhi Md Cali Yuusuf, waxaanu intaas ku daray hadalkiisa, “Nasiib-darro waxa dhacday in shirgudoonkii la baabiiyey, oo la yidhi guddoomiye kaliya ayaa jira, labada guddoomiye ku xigeena shirgudoonka ka mid maaha, dastuurka ayaana qoraya. Talo wadaag baynu ku caano maalnay, dastuurkeenuna talo wadaagbuu ku salaysan yahay. Xeerhoosaadka shalay la sameeyey intuu shirgudoonka baabiiyey ayuu leeyahay gudoomiye oo kaliya ayaa jira iyo xoghayn kolkaa waxay u eekaatay sidii maamulkii wasaaradaha oo kale, taasina waa nasiib darro ka horimanaysa dastuurka.”

Guddoomiye Cali Yuusuf oo ka sii hadlayey khaladaadka uu sheegay inuu ku jiray xeer-hoosaadkaas, waxa uu yidhi, “Khaladka kale ee dhacayna waa xeerhoosaad ilaa 70 qodob ka kooban ayaa la keenay, waxaana sharcigu yahay marka golaha xeer la horkeeno in ugu yaraan ilaa 24 saacadood uu goluhu soo akhristo, kan oo kalena waxa uu u baahan yahay in ka badan.”

Md Cali Yuusuf waxa uu dhaliilay sharciyadda lagu dabbaqay nidaamka loo ansixiyey xeer-hoosaadka, waxaanu yidhi, “Xeerhoosaadkii hore ee golaha wakiilada qodob-qodob ayaa loogu codeeyey, balse xeerkan inyar oo isa soo qanjiidhsatay ayaa isugu timid, oo gudoomiyuhuna la ogaa, iyadoon laga fiirsan waxa meesha ku jira inuu sharciga iyo dastuurka  waafaqsan yahay, markaa caqli gal maaha in la yidhaa imikaa la qaybiyey oo imika  ayaa loo codeeynayaa taasaa dhacday.”

Md Cali Yuusuf waxa uu tilmaamay inuu guddoomiye Cirro kaga baxay ballan ay shir-guddoon ahaan isku ogaayeen, isla markaana taasi ahayd sababtii ay isaga iyo guddoomiye ku-xigeenka 1aad uga baxeen Golaha, “Haddii guddoomiyaha qudhiisu uu soo akhriyo, oo aanu iska raacin dabayshaa socota, waxaabu shalay (dorraad) guddoomiyuhu nagu yidhi dib ayaan u dhigayaa, waynu ka fiirsanaynaa, hadana meeshii waa la soo dhigay markaa aniga iyo guddoomiye ku xigeenka 1aad waanu ka baxnay markaanu aragnay siday u socoto, waxaanay ahayd haddii ay dastuur jabin tahay inuu guddoomiyuhu qabto, waayo wixii dastuurka ka horimanaya lagama hadli karo oo waa in halkaasi lagu joojiyaa, markaa qaladkaasi ayaa dhacay oo waanu ka xun nahay, in golaha arrinkaasi ka dhaco.”

Guddoomiye ku-xigeenka 1aad iyo 2aad ee Golaha Wakiillada Md Baashe Maxamed Faarax iyo Md Cali Yuusuf, ayaa isaga baxay fadhigii golaha Wakiillada ee dorraad lagu ansixiyey xeer-hoosaadka Golaha, ka dib markii sida uu Md Cali Yuusuf sheegay uu Guddoomiye Cirro kaga baxay ballan ay isku ogaayeen oo ahayd in dib loo dhigo isla markaana la soo naaqisho wax-ka-beddelka lagu sameeyey xeer-hoosaadka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories