HomeGuddoomiye Faysal Oo Ka Soo Horjeestay In Dalku Laba Madaxweyne Ku Xigeen...

Guddoomiye Faysal Oo Ka Soo Horjeestay In Dalku Laba Madaxweyne Ku Xigeen Yeesho, Kana Hadlay Tabashada Kuraasta Wakiilada Awdal iyo Selel

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Faysal Cali Waraabe ayaa ka soo horjeestay in dalka loo sameeyo laba madaxweyne kuxigeen, fukirkaas oo mudooyinkii ugu danbeeyay ka soo ifbaxaayay gobalada bariga Somaliland.

waxa uu sida oo Kale Faysal Cali Waraabe ka hadlay sida loo xalinaayo xeerka dib loogu soo dooranaayo golaha wakiilada oo gobalada Awdal iyo Selel ay ka biyo diideen. waxaanu ariman kaga hadlay waraysi uu siiyay tilifishanka Somalinews, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “2005-tii ayay sidaas ay maanta uga baxeen reer Awdal uga baxeen waxaanu ku qancinay wakhtigaas in ay kumeelgaadh noqoto, waxaan u arkaa in aanay dalka meelna ka socon maxaa dalka u u dan ah ee ay meel walba ka socoto maxaa adiga kuu dan ah, kuwa geeyayna waxay ka lahaayeen dan ee ismay lahayn wax hagaajiya,imikana in laga soo celiyo way ahayd, in layska fadhiyana maaha ee in arinta la xaliyo weeye, gudidaas baarlamaanka ee lasaaray iyo sadexda xisbi iyo komishanku inay gogasho dhigaan weeye sidii aanu 2005-tii yeelnay, halkaas lagu wadahadlaa oo lagu heshiiyaa waxii looga guuri lahaa habkan aynu imika wax ku soo dooranay, in hada hadii ay suurtogal tahay lagu dhaqaaqo, hadii kalena in xeerka lagu qoro habkaas looga guuri doono.”

Faysal Cali Waraabe oo wax laga waydiiyay fikirka laba madaxweyne ku xigeen in Somaliland yeelato waxa uu yidhi“Dastuurkeena dib ayaa loo eegi doonaa waxa taagan guurtida ma u baahanahay, habkan aynu ku shaqaynay ee doorashooyinku ma shaqeeyay ayaa iswaydiin leh, ma kabnaa ma badalnaa, in hadii madaxweynuu uu helo wax 50% codka ka yar in dib doorashada loogu celiyo oo uu xisbiga sadexaadna mid gacan siiyo, wax badan ayaa inoo hadhsan, dastuurka ayaynu furi doonaa oo waxii inaga qabyo ah waynu furi doonaa, maanta dawladii way fadhidaa, baarlamaankii waa uu fadhiyaa waa wada baarixi markaas aynu baarixiga ka takhalisno, waa in aynu muraayad qaran qaadanaa laakiin laba  madaxweyne ku xigeen ayaan samaynayaa waxay ahayd awood qaybsi ee beeshuu uu ku soo hagaagayay madaxweyne kuxigeenku hadii aad sii kala qaybiso ma waxbaad faa-iday mise waad qasaartay.”

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories