HomeGuddoomiye Faysal oo Burco Ka Bilaabay Socdaalkii Uu Ugu Magacdaray Nabada iyo...

Guddoomiye Faysal oo Burco Ka Bilaabay Socdaalkii Uu Ugu Magacdaray Nabada iyo Midaynta Somaliland

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco(SLpost)-Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo wafti Uu hogaminayo ayaa socdaal ku maraya Gobolada Bariga Somalialnd , iyadoo waftiu uu xalay u hoyday Gobolka Togdheer .

Waxaana uu Gudoomiyaha iyo Waftigu ay xalay u hoydeen Gobolka Togdheer iygoo isla maantana bilaabay Kulamo Gooni-gooni ah oo ay la qaadanayeen qeybaha Bulshada .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe iyo Gudoomiyaha Xisbiga Ee Goblka Togdheer Aadan Cismaan oo si wada jir ah ula hadlay Warbaahinta ayaa ka warbixiyay Socdaalkan .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Ee Gobolka Togdheer Aadan Xuseen Maxamed oo halkaasi ugu horeen ka hadlay ka ayaa safarka Waftigan ku tilmaamay mid loogu kuur galayo Xaaladda Dalka isagoo mari doona bu yidhi Gobolada Sool , Sanaag iyo Deegaanno kaleba .

Sidoo kale waxaa u uga mahad naqay Safarkiisan isagoo tilmaamay in Gudoomiyaha ay caado u tahay in uu ka war doono xaaladda Waddanka isla markaana uu kormeer ku soo maro Gobolada iyo Deegannada Somaliland waxaanu yidhi “ Waxaan u mahad naqayaa Gudomiyaha iyo waftigiisa uu hogaaminayo ee booqashada ku yimid Gobolka Togdheer , Gudoomiyaha iyo waftigiisu kow uma ahaa in ay gobolka Togdheer yimaadaan balse marar kale oo ka horeesay ayaa yimaadeen insha allaah marar kalena way iman doonaan ”

Sidoo kale Gudoomiyaha ayaa ka warbixiyay Safarka Waftigan “ Gudoomiyuhuu wuxuu u soo baxay in uu Gobolada Bariga Somaliland iyo degmooyinka bariga Somalialnd in uu maro oo uu soo indho indheeyo xaaladda ay ku suganyihiin dadku waanu ku mahad sanyahay Gudoomiyuhu ..” Ayuu Yidhi Gudoomiyaha Gobolka Togdheer Ee Xisbiga Ucid mudane Aadan Cismaan .

Gudoomiyaha Xisbiga Ucid Eng Faysal Cali Waraabe ayaa si faahfaahsan uga hadlay Safarka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “ Sida uu Gudoomiyuhu sheegay halkan socdaal ayaanu ka bilawnay waa mar sadexaadkii aanu soo marnay Sannadkan Gobolada Sool iyo Togdheer , Doorkan se waanu ka balaadhinayo waxaa Socdaalkan la yidhaa , Socdaalka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland , waxaa socotaa Dhaqdhaqaaqyo aad u fiican oo lagu adkeenayo midnimada Somaliland ..”

Gudoomiyaha oo si Watta hadalkiisa ayaa Bogaadiyay Beesha Bahar-same Waxaanu yidhi “ Waxaan hambalyeenaya Beesha Baharsame ee caynaba ku shirtay ee Dawladdii La shirtay ee la shirtay Shacabkii ay walalo ahayeen ..

Sidoo kale Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Kulamadii uu maanta la qaatay Qeybaha Bulshada ayaa sheegay in ay Degmada Widh-widh kula kulmeen Burco waxaanu Yidhi “ Dad waxa jiraa Labaatan- ka sanadood ee ay Somaliland jirtay aan imanba , maanta Waxaanu halkan kula shirnay Degmada Widh-widh ergadii ka socotay , Dabayl fiican oo caafimad ayaa socota , khayrba soo urayaa , waxan hambalyeenay Garaad Jaamac iyo Ina Soofe oo ka shaqeeyay nabadii ka dhacday soonaha

 shanaad , tubtii Garaaddada iyo Salaadiinta lagu arki jiray ayay nimankaasi hayaan , wixii loo doortay ayay ka shaqeenaya waa tusaale fiican oo lagu dayan karo ..”

 Ugu Danbeentii Gudoomiye Faysal ayaa ka Waramay Qorshe ay Dawladda , Komishanka iyo Axsaabtu wada Qaateen waxaanu yidhi “ Waxa jirtaa qorshe aanu hadda qaadannay , Dawladdu qaadatay , komishanku qaatay ka dibna saddexda Xisbi isla qaaten oo ah si ay doorasho fiican oo mug leh uga dhacdo Buuhoodle oo aan hadda meel kasta aanay ka dhacayn in wakhti la siiyo , wakhtigaas sida uga faa’idaystaan oo mar lagala dhigo Diinwaangalinta Gobolka Sool oo isagu ugu danbeeyaa , Muddadaana ay Dawladdu ay Maamulkii iyo nidaamkii ay gaadhsiio Meelaha aanay hadda dawladdu si fiican uga shaqeen , arrintaasi waa arrin lagu daneenayo Dadka Reer Buuhoodle , oo hadhaw marka la is tirinayo , hadhaw ileen tiro la isugu faanayaaye haddi ay badh is diinwaangaliyaan waxaa la moodayaan in dadku yaryihiin dhulkaasi Degeni si ay isku muujiyaan . Sidoo kale waxaa la is raaciyay , Saaxil , Salaxley , Gabiley , Baligubadle , farsamo ahaan ayaa la isku raaciyay iyadoo la eegayo wakhtiga iyo cimilada , wax foolxumo ku jirtaa ma jirto oo dadka loo daneenayaan …”

Si kastaba ha ahaate Safarka Nabadda Iyo Mideenta Somaliland ee uu horkacayo Gudoomiyaha Xisbiga Ucid ayaa la filayaa in maalmaha Foodda innagu soo hayaa ay u gudbaan Golada Sool Iyo Sanaag Iyo Deegaanno kale ee Bariga Somaliland .

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories