HomeGuddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Codsi u diray Madaxweynaha Somaliland

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo Codsi u diray Madaxweynaha Somaliland

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland ku deg-degtay go’aankii ay kula wareegtay gaadiidkii lagu qabtay Badeecadda Qaadka muddadii bisha ku dhawayd ee dalka laga mabnuucay Keenistiisa iyo ka-ganacsigiisa.

blank
Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo maanta warbaahinta la hadlay, waxa uu ku dooday inaanay munaasib ku ahayn la-wareegista Gaadiidka lagu qabtay Qaadka maadaama uu ahaa go’aan ku-meel-gaadh ahoo muddo kooban loogu talo-galay, waxaanu madaxweynaha Somaliland ka codsaday in dadkii lahaa loo celiyey gaadiidkaas oo uu sheegay inay qoysas tiro badan noloshoodu ku tiirsanayd.

Eng Faysal Cali Waraabe oo arrintan ka hadlayey, waxa uu yidhi, “Baabuurtii Qaadka ee lala wareegay, waxaad mooddaa arrintaas inaynu ku deg-degnay. Qaadka muddo dhowr iyo labaatan maalmood ah baa la joojiyey, markaa qofkii qaadka keenaa inuu dambi galay waa la ogyahay. Laakiin haddaanu ahayn wax si toos ah waligiis loo mabnuucay, in xoolihiisa lala wareegaa way fool-xun tahay.”

“Hore waan uga hadlay, mar anigu maan odhan hala joojiyo, waayo waxaan ogaa in boqolkiiba 60 dadka shaqeeyaa ay ku nool yihiin Qaadka oo noloshooda ka soo saaraan. Intaas qoys oo reer Somaliland ah, ayaan maanta haysan waxay wax ku karsadaan oo baabuurtaasi u soo saari jireen masaariiftooda,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Waxa uu Guddoomiyuhu madaxweynaha u soo jeediyey inuu Maalinta Ciidal-fidriga kaga farxiyo Qoysaskii gaadiidkaas oo loo celiyo, “Markaa waxaan madaxweynaha leeyahay, madaxweyne dadkii baabuurta haloo celiyo oo Ciidda kaga farxi dadka oo qoysasku ha haleen quruskoodii,” sidaas ayuu yidhi Eng Faysal Cali Waraabe.

Guddiga ka-hortagga iyo Xakamaynta Cudurka Covid-19 ee Somaliland, ayaa go’aamo ay soo saareen horaantii bishan Ramadaan oo joojinta Qaadku ka mid tahay, waxa ay gebi ahaanba ku mabnuuceen ka-ganacsiga iyo Keenista badeecadda Qaadka ee laga keeno dalka Ethiopia muddo 25 Maalmood ah si looga hortago faafitaanka Xannuunka, iyagoo go’aamiyey in dowladdu la wareegi doonto mulkiyadda Gaadiidka lagu qabto Qaad si qarsoodi loo soo gelinayo dalka.

Haseyeeshee, Go’aan ka soo baxay Guddiga ka-hortagga iyo Xakamaynta Covid-19 ee Somaliland, 16-kii bishan May, waxa ay dib u fasaxeen Keenista iyo Ka-ganacsiga Badeecadda Qaadka laga soo waarido dalka Ethiopia, iyadoo aanay wali dhammaanin muddadii 25-ka maalmood ahayd ee dalka laga mabnuucay.

Ciidammada Booliska ayaa dhawaan soo bandhigay gaadiid tiro badan oo lagu xardhay Midabka iyo astaanta Ciidammada Ammaanka, kuwaas oo lala wareegay kaddib markii lagu qabtay Qaad ay sharci-darro ku geliyeen dalka.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories