HomeGuddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku eedeeyey inay horjoogsatay Dhaarinta Guddiga Doorashooyinka

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda ku eedeeyey inay horjoogsatay Dhaarinta Guddiga Doorashooyinka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku eedeeyey inay diidday dhaarinta guddiga doorashooyinka Somaliland oo Mudaneyaasha Golaha Wakiilladu todobaadkan horaantiisii cod-aqlabiyad ku ansixiyeen.

CIRRO_WadaniGuddoomiye Cirro waxa kale oo uu sheegay inay hor-istaagtay in xubnaha Cusub ee Guddiga Doorashooyinku ay u baxaan tobabar khuseeyey dhinaca hawlahooda shaqo oo ay dalka dibadiisa ugu bixi lahaayeen, waxaana uu xukuumada iyo maxkamada sareba ugu baaqay in mudnaan gaar ah la siiyo in la dhaariyo Komishank doorashooyinka si ay u gutaan waajibaadkooda Qaran.

“Waxaad ka war haysaanin golaha wakiiladu u ansixiyey 29 November gudida doorashooyinka qaranka, waxaa ay ahayd in axadii la dhaariyo Sabtidii ayaanu ansixinay, maantana waa Khamiis, Xukuumadda ayaa joojisay in la dhaariyo, xukuumada ayaa joojisay in ay tobabarkii ay u baxaan. Waxaan u soo jeedinaynaa Xukuumada iyo Maxkamada Sareba mudnaanta ay hawshasi leedahay in la siiyo, in la dhaariyo in xilka lagu wareejiyo, in ay tobabarkii ay u baxaan, sida oo kalena ay diiwaangelintii ay bilaabanto,” Sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro oo maanta ka hadlayey munaasibad Xisbigiisu ku soo dhaweeyey siyaasiyiin iyo taageerayaal ka mid noqday Xisbiga Waddani.

“Si ay u bilaabanto diiwaan galinta codbixiyeyaashu oo ay ku xidhan tahay in aynu doorashada qabano, waxaan u soo jeedinaynaa Komishanka Qaranka iyo bulshada caalamka ee Somaliland taageertaba in la dadajiyo qabashada diiwaan galinta codbixiyeyaasha si doorashooyinku inoogu qabsoomaan,wakhtigii loogu talo galay,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu Xukuumadda uga digay xabbudhinta iyo xadhigga lagu hayo warbaahinta madaxa-bannaan ee dalka.

“Somaliland waxaa ay magac iyo maamuusba ay ku heshay in ay illaaliso ama ay samayso saxaafad xor ah, waxyaabaha aadka loo xiiseeyo, marka aanu qurbaha joognayna aanu aad u akhriyi jirnay dadka Af-Soomaaliga ku hadlaana ay aad u akhriyaan, wali waxaa ka mid ah Dhan-xiirka, waxaa ka mid ah Guuguule, Mr WADANI iyo qaar kale oo badan iyo in aynu caan ku ahayn in aynu dulqaad lahayn oo xuquuqul insaankana Illaalin jirnay, maanta se saaxafadda waxaa la saaray cadaadis iyo cabudhin, waxaa caado u noqotay xadhig joogto ah, waxaa muwaadiniinta Somaliland caado u noqotay hada xadhig aan waafaqsanayn sharciga in la xidho,qof kasta oo hadla,qof kasta oo wax dhaliila iyo qof kasta oo muujiyeyba in uu ka soo horjeedo Xukuumada iyo Siyaasada xisbiga KULMIYE.

Somalilandpostnet/Hargeysa

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories