HomeGuddoomiye Cirro Oo Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Ku Tilmaamay Mid Maalgashiga Somaliland...

Guddoomiye Cirro Oo Xadhiga Ganacsade Cumar Caydiid Ku Tilmaamay Mid Maalgashiga Somaliland Wiiqaya, Xukuumadana Ugu Baaqay Inay Dhakhso u Sii Dayso

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa(SLpost)-Guddoomiyaha golaha wakiilada ahna guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Ciro ayaa saldhiga ku booqday ganacsade Cumar Caydiid, waxaanu xukuumada ugu baaqay inay xoriyadiisa u soo celiso isaga oo xadhigiisan ku tilmaamay mid sharciga aan loo soo marin.

c8(17) c2(55)

Gudoomiye Cirro oo warbaahinta la hadlaayay kadib booqshadaas waxa uu yidhi“Waxa aanu soo booqanay ganacsade Cumar Caydiid oo ku xidhan saldhigga Ibraahim Koodbuur, ahna asal ahaan nin reer Somaliland ah kana mid ah ganacsatada reer Jabbuuti, ganacsadahaasi waa ganacsade reer Jabuuti ah sida oo kalena dalka ka sameeyey maal-gashi ballaadhan lana filaayo in dad ka badan 1000 qof ay shaqo ka helaan, dhawaana la furi lahaa, hase yeeshee iyada oo aan loo marin dariiqii saxda ahaa ganacsadahaas waa la xidhay, waana aanu soo booqanay, waana uu iska wanaagsan yahay, waxaana aanu xukuumadda iyo madaxweynahaba ugu baaqaynaa in la soo daayo ganacsadahaas, xoriyaddiisana loo soo celiyo sida ugu dhakhsaha badan.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Cirro.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay in xadhiga ganacsade Cumar Caydiid uu saamayn xooggan ku yeelan karo maal-geshiga dhaqaale ee ay dalka ka samayn lahaayeen maal-qabbeenada aduunku, waxaana uu yidhi“Xadhiga ganacsadahaasi saamayn badan ayey ku yeelan karta dadka ka samaynaaya maal-gashiga Somaliland, waxaana aynu ka warqabnaa ganacsadeyaal badan oo reer Jabuuti ah oo dalka maal-gashaday lacag badanna gashaday, haday tahay shirkadda SBI, haday tahay Cable-ka iyo haday tahay Tiyeetarkaba, waxa aan lee yahay taasi ma dhiiri-gelin doonto in dadka doonaya in ay dalkan gashadaan maal-gashi, waxa aynu ka warqabnaa in shaqo la’aantu tahay mid aad u saraysa oo dhallinyaradu waa ay shaqo la’ dahay, marka dadkii wadanka ka samayn lahaa maal-gashiga in la niyad jabiyo waxa aan u aragnaa wax aan u shaqeynayn danta Somaliland, waxa aan mar kale madaxweynaha iyo xukuumaddaba ugu baaqayaa in muwaadinka ganacsadahaas Cumar Caydiid loo soo celiyo xoriyaddiisii iyada oo marka horena sifaha loo maray aanu ahayn mid sharci ah.”.

Waxa uu Cirro adalkiisa ku soo gunaanaday“Sifaha loo xidhay markii aanu la kulanay waxa uu noo sheegay in markii la soo xidhay aan waxbaba la soo weydiin, qofkana marka la xidhaayo magaca hooyaddii ayaa laga qoraa, illaa hadana magaca hooyadii lama weydiin, 48-kii saacaddoodna waa ay dhaaftay, wax waaran ah oo loo keenayna ma jiro, sharcigana haddii qofku dembi sameeyo waa la qaban karaa, laakiin sifo sharci ah ayaa loo soo maraa, taasina may dhicin!. Sideed iyo Afartankii saacaddoodna waa ay dhaaftay xukuumadda ayaana hadda ka jawaabi doonta, waxaana aan qabbaa in sharciga la jabiyey, xuquuqdii muwaadinkana meel lagaga dhacay.”.Ayuu yidh Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro).

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories