HomeGuddoomiye Cirro oo weeraray Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan iyo Doorka Dowladda...

Guddoomiye Cirro oo weeraray Xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan iyo Doorka Dowladda Shiinaha

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...
blank
Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna murashaxa madaxweynaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro), ayaa markii u horeysay weeraray xidhiidhka Somaliland la leedahay Taiwan oo uu ku tilmaamay mid aan waxba ka tari karin Aqoonsiga Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo khudbad ka jeedinayay shirweynaha 2aad ee xisbiga Waddani oo maanta ka furmay magaalada Hargeysa, waxa uu ku dooday in sida kaliya ee Somaliland Aqoonsi ku heli karto tahay inay xoojiso xidhiidhka dalalka quwadaha waaweyn, isagoo uga jeeday hadalkiisa in Somaliland xidhiidhka Taiwan ku beddesho dalweynaha Shiinaha.

“Si loo ictiraafo Somaliland waa inaan waqti iyo dadaal badan galinnaa, xidhiidh dhowna Somaliland la yeelataa xubnaha ku jira Midowga Afrika. Ictiraafka Somaliland ka maarmi maayo in la helo dowlad ka mid ah dowladaha waaweyn ee ka tirsan Gola Amaanka ee Qaramada Midoobay ee leh diidmada qayaxan ama oo Somaliland taageerta,” Sidaas ayuu yidhi Guddoomiye Cirro.

Guddoomiye Cirro waxa uu carrabka ku adkeeyay inay haboon tahay in Somaliland ay xoojiso xidhiidhka Shiinaha, isagoo dhaliilay xidhiidhka Somaliland ka dhaxeeya Taiwan.

“Waxaan soo jeedineynaa in xukuumaddeenu wanaajiso xidhiidhka ay la leedahay dalweynaha Shiinaha oo gobolka ka wada horumar ballaadhan. Aqoonsiga Somaliland wax badan inooga tari mayso dowlado aan la aqoonsaneyn sida Taiwan,” ayuu Guddoomiye Cirro ku yidhi khudbaddiisa, waxaanu sheegay in Xisbigiisa Waddani uu ku dedaali doono sii amba-qaadista wada-hadallada Soomaaliya.

“Xisbiga Waddani wuxuu u arkaa in wada-hadalku yahay mid ka mid ah fureyaasha ictiraafka, sidaas darteed waan sii wadi-doonnaa ka midho-dhalinta wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland,” ayuu yidhi guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

Waddanka Shiinaha oo ka mid ah quwadaha adduunka ee horreeya dhinacyada Dhaqaalaha iyo Milatariga, ayaa ka soo horjeestay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, maadaama oo Shiinuhu sheeganayo in Taiwan tahay qayb ka mid ah dhulweynaha Shiinaha.

Dowladda Shiinaha ayaa dhawaan weerartay xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan, waxaana warbixin lagu daabacay wargeyska afka dowladda ku hadlaee Global Times lagu sheegay in Taiwan xidhiidhaya ay la samayso dowladaha Caalamka ku bixiso lacago laaluush oo la siiyo shaqsiyaad iyo madaxda waddankaas, iyagoo si gaar ah u xusay in dowladda Taiwan lacago laaluush ah ku beddelatay xidhiidhka Somaliland. Dowladaha Taiwan iyo Somaliland ayaa been-abuur aan sal iyo raad-doona lahayn ku tilmaamay hadalka ka soo yeedhay Shiinaha.

Warbixin lagu daabacay majaladda New Bloom badhtamaha bishii October ee sannadkan, ayaa lagu sheegay in hadalkaas ka soo yeedhay dowladda Shiinaha ee ku saabsan xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan uu hor-dhac u yahay duullaan duullaan Siyaasadeed oo Shiinuhu ku soo qaado Somaliland.

“Waxa kale oo laga yaabaa in dawladda Shiinuhu qaado tallaabooyin kale oo looga gol-leeyahay in lagu carqaladeeyo xidhiidhka ay Taiwan la leedahay Somaliland. Tallaabooyinkaasi waxa ka mid ah in la isku dayo in lagu qasbo Soomaaliya tallaabo ka dhan ah Somaliland iyo in Shiinuhu carqaladaynta Somaliland u soo maro xidhiidh uu la sameeyo Kooxaha Mucaaradka ah,” Sidaas ayaa lagu yidhi Warbixinta uu daabacay Majaladda New Bloom Magazine.

Warbaahinta Bloommag waxa ay war-bixinteeda ku xustay in qorsheyaasha Shiinaha uu ku carqaladaynayo xidhiidhka Somaliland iyo Taiwan ay intaas ka badan karaan iyagoo xeelado kale xambaarsan.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories