HomeGuddoomiye Cirro oo Urur-goboleedka IGAD ka dalbaday inay Goob-jooge-yaal u soo dirayaan...

Guddoomiye Cirro oo Urur-goboleedka IGAD ka dalbaday inay Goob-jooge-yaal u soo dirayaan Doorashada Madaxtooyada Somaliland oo uu Dayro ka muujiyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayey ku-xigeenkiisa labaad Md Cali Yuusuf, ayaa shalay kulan gaar ah oo warbaahinta dibad-joog ka ahayd xafiiskiisa kula qaatay wefti ka socda Urur-goboleedka IGAD oo dorraad socdaal shaqo ku yimi dalka.

Xubnaha Weftiga IGAD ee shalay kulanka la qaatay Shir-guddoonka Wakiillada oo ay ka mid ahaayeen Ergayga gaarka ah ee IGAD u qaabilsan Soomaaliya Danjire Maxamed Cabdi Afey iyo u-qaybsanaha arrimaha Caafimaadka ee Ururkaas Dr. Axmed Xasan Mataan, waxa ay shir-guddoonka Golaha Wakiillada ka wada-hadleen dhinacyada IGAD ka taageerayso Somaliland ee doorashooyinka, adeegyada horumarinta bulshada iyo xoojinta dhismaha haykalka dawladnimo oo baahiyaadka Goleyaasha Baarlamaanka ugu horreeyaan.

cirroSharraxaad iyo faahfaahin weftiga IGAD ka bixiyeen ujeeddada socdaalkooda Somaliland iyo waxyaabaha u qorshaysan inay ka taageeraan ka dib, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo hadalka qaatay, waxa uu Urur-goboleedka IGAD u soo jeediyey inay Somaliland ka caawiyaan ka-gudbista caqabado uu carrabaabay oo ku gedaaman doorashooyinka ka dhaca Somaliland.

“Waxaan IGAD usoo jeedin lahaa Imika Baarlamaanka xiligiisu wuu dhammaaday markaa inay naga caawiyaan caawiyaan doorashooyinka soo socda oo wixii doorasho wanaagsan caawinayaba ay nala garab taagnaadaan waayo farsamo ahaan dhibaatooyin badanbaa jira sida meelaha fog fog oo kale malaha laydh taas oo keenta oo goobaha doorashooyinka hore loo xidho. Iyo inay goob joogayaal usoo diraan doorashooyinka,” ayuu yidhi Guddoomiye Cirro, sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Golaha Wakiillada oo lagu faahfaahiyey waxyaabihii ay labada dhinac ka wada-hadleen.

Guddoomiye Cirro waxa uu hadalkiisa raaciyey, “Sida aad ogtihiinba Somaliland waa dawlada iyadu isa samaysay ilaa imika ma hesho wax caawimo oo toos ah, miisaaniyada Somaliland waxa markii uu baalamankani yimid waxay ahayd 40 milyan iyadoo imika maraysa ilaa 250 milyan intaas oo sixir bararkiina ag socdo,” ayuu yidhi Guddoomiyaha golaha Wakiillada Somaliland.

crrGuddoomiye Cirro waxa uu weftiga IGAD u soo bandhigay baahiyaadka ka jira dhinaca adeegyada aasaasiga ah ee bulshada. “Xagga caafimaadka run ahaantii baahi aad u wayn baa ka jira oo waxaaba lagu garan karaa in Somaliland Hargeisa uu ka jiro hal dhakhtar oo Ingiriisku ka tagay magaalooyinka kalana kasii liitaan, miisaaniyada yare ee Somaliland soo ururisaana 50% waxay ku baxdaa amaanka iyadoo iyadoo 50% ka soo hadhayna aanu ku filayn qaybaha kale oo dhan,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmana Cirro.

Masuulka hoggaaminayey weftiga IGAD Maxamed Cabdi Afey oo isaguna kulankaas ka hadlay, ayaa sheegay inay kulamo kala duwan la qaadan doonaan madaxda Somaliland isla markaana ay IGAD u gudbin doonaan warbixin ku saabsan meelaha ay jiraan baahiyaadka u baahan in wax laga qabto, isla markaana ay urur ahan u qoondeyn doonaan Somaliland inay qaybteeda ka hesho maaliyadda ay ugu talo-galeen barnaamijyada horumarineed ee waddamada Geeska Afrika.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories