HomeGuddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Gudahood Markii 2aad Safar ku tagay Jabuuti iyo...

Guddoomiye Cirro oo Toddobaadyo Gudahood Markii 2aad Safar ku tagay Jabuuti iyo Xisbiga oo ka hadlay

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

 

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa toddobaadyo guddahood, markii labaad safar ku tegay dalka Jamhuuriyadda Jabuuti, halkaas oo uu ka soo noqday dabayaaqadii bishii dhammaatay.

blankGuddoomiye Cirro oo aan ka hadal ujeeddada safarradan isku xig xiga muddada yarna u dhaxayso ee uu ku tegay Jabuuti, ayaa waxa ku soo dhaweeyey dalkaasi, isla markaana qado sharaf u sameeyey Safirika Somaliland u Fadhiya Jabuuti, Amb Cabdifatax Siciid Axmed.

Ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay dhinaca Xisbiga Waddani oo la xidhiidha socdaalka Guddoomiyahooda ee Dalka Jabuuti, hase yeeshee sida ay Wargeyska Saxansaxo u xaqiijiyey warar u dhuun daloola safarka Guddoomiye Cirro, ayaa tibaaxay inuu salka ku hayo arrimo shakhsi ah oo ku saabsan Baasaboorka dalkaas oo uu soo cusuboonysiisanyo.

Warku waxa uu intaasi in safarka Guddoomiyaha oo qaadanaya muddo saddex cisho ah uu la kulmi doono madaxda waddanka Jabuuti oo uu u horreeyey Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, iyaga lagu wado in msuuliyiintan isla soo qaadaan xidhiidhka Somaliland iyo Jabuuti iyo weliba xaaladda ka taagan gobolka Geeska Afrika.

Guddoomiye Cirro, ayaa sidoo kale la filayaa in ay Madaxda Jabuuti la wadaagto qorshe la weriyey in ay kala hadleen Madaxweyne Muuse Biixi oo ahaa in ay Deegannada Somaliland ee Saylac laga siiyo Ceel ay biyo ka qotaan.

Socdaalkan Guddoomiyaha Xisbiga Waddani, ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli uu dhawaan dalkaasi ka soo laabtay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muddo shan maalmood ah halkaasi ku sugnaa.

Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Xisbiga Waddani Khadar Xuseen Cabdi, ayaa faahfaahin ka bixiyey ujeeddada safarka guddoomiyaha Xisbiga. Muuqaalka Hoose ka daawo Hadalka Xoghayaha Xisbiga.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories