HomeGuddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Haddley Xadhiga Boqor Buur-madow

Guddoomiye Cirro Oo Si Adag Uga Haddley Xadhiga Boqor Buur-madow

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...
Burco (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa ka haddley Xadhiga ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi kula kacday Boqor Buurmadow,waxaanu sheegay inuu xadhiga Boqorku uu yahay mid la xidhiidha muranka Guddoomiyahanimada Xisbiga KULMIYE.
Gudoomiye Cirro oo Geel dhaqasho ah la siiyey+Weedhaha & KaftankiiGuddoomiye Cabdiraxmaan Cirro ayaa sidaasi ku sheegay maruu shacabka reer Burco kala hadlayeyy madal fagaare ah, waxaanu sheegay inuu ka xunyahay qaabka ay ay xukuumaddu u martay xadhiga Boqorka waxaanu ku bilaabay haddalkiisa ;-‘Waxaad ka warqabtaan Boqor Cismaan Buurmadow in la xidhay hadda Xisbiga WADDANI muu ahayn odayaashii KULMIYE ugu olollaha badnaa ayuu ahaa, lakiin dariiqa loo maray xadhigiisa iyo in aan la siinin xaqa ah inuu is difaaco inayb ahayd dariiq khaldan oo loo maray xadhigiisa , waxa kale oo aan qabnaa in odayga loo xidhay waxaan ahayn wixii lagu soo eedeeyey, boqor cismaan waxaad ka warqabtaan inay odayaal Togdheer gacanta iskugu dhiibeen berigii dhaweyd doorashada ka hor oo ahayd in Xisbiga KULMIYE lagu soo wareejiyo oo uu Muuse soo wareejiyo doorashada ka dib…” Ayuu yidhi Cirro
Guddoomiyaha ayaa sheegay in Xadhiga Boqor Buurmadow aanu ahayn mid la xidhhiidh socdaalkii Puntland uu ku tegay , balse wuxuu yahay mid ka dhashay dumaasha guddoomiyenimada KULMIYE ‘Waxaanu qabnaa in arrinta uu Boqorku u xidhanyahay aanay ahay safarkii uu ku tegay Puntland boqorka iyo Madaxweynuhu kaa wey isla ogayeen oo Boqorka ayaa sheegay oo yidhi Madaxweynaha ayaaidiray, marka uu Hargeysa ka baxayeyna xukuumaddu wey sii macasalaamaysay, marka uu soo noqdayna wey soo dhaweysay, haddana isagoo hudheel jooga ayaa la qabtay,waxa cad waxaa loo xidhay boqorka inay tahay muran ka dhaxeeya KULMIYE oo ah Madaxweynuhu inuu soo wareejiyo Xisbiga KULMIYE sidii ay odayaaashu halkan arintaas ayuu u xidhanyahay Boqorku Ayuu yidhi Guddoomiyaha WADDANI.
Ugu Dambayntii Guddoomiye Cirro ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi Inuu fuliyo wacadkii uu la galay Beesha Bariga Burco cahadigii ololaha Doorashada , isla marakaana uu wareejiyo Guddoomiyenimada KULMIYE..”Madaxweynaha waxaanu leenahay wixii aad markii hore odayaasha kula heshiisay dee ogolow oo Boqorka iska siidaa…” ayuu kusoo afmeeray haddalkiisa
Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories