HomeGuddoomiye Cirro oo mar kale loo doortay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani

Guddoomiye Cirro oo mar kale loo doortay Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Shirweynaha saddexaad ee golaha dhexe ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ayaa maanta ka furmay Huteelka Ambassador ee Magaalada Hargeysa, waxana shirkaas dib loogu doortay mudane, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) inuu noqdo murrashaxa madaxweynaha ee xisbigaas uga qaybgalaya doorashada madaxtooyada ee lagu wado inay dalka ka dhacdo bisha Novermber 2022ka, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana dib loogu cugtay Maxamed Cali Aw Cabdi.

blankShirkan waxa hadallo kala duwan ka jeediyey guddoomiyeyaasha cisbiga WADDANI, ee gobollada dalka, afhayeenka Xisbigaas Barkhad Jaamac Batuun iyo xoghayaha guud ee xisbigaas Khadar Xuseen Cabdi, waxana ay ka hadleen tallaabooyinkii xisbigu qaaday muddadii u dambaysay iyo qorshaha xisbiga ee la xidhiidha arrimaha doorashooyinka ka qabsoomaya dalka.

Waxa kaloo ay ka hadleen sida ay u taageersan yihiin murrashaxiinta xisbigooda ee doorashada Madaxtooyada.

Guddoomiyaha xisbiga WADDANI Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro) oo ka hadlay shirkaas ayaa si qotodheer uga warramay marxaladihii uu xisbigaasi soo maray, waxaanu ku tilmaamay tudhaale badan u sameeyey dalka isla markaana waxaanu xukuumadda ku dhaliilay inay ka gaabisay ilaalinta wadajirka ummadda reer Somaliland.

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu xaqiijiyey in xisbiga WADDANI ay mudnaan weyn siinayaan sidii loo kobcin lahaa Waxbarashada heerarkeeda kala duwan iyo dhaqangelinta siyaasadda qaranka ee sugida cuntada.

blankGuddoomiye Cirro waxa kaloo uu caddeeyey inay balanqaadayaan in ay Ciidamada dalka u kordhiyaan mushaharka Boqolkiiba 250%, haddii ay ku guulaystaan doorashada madaxtinimada ee soo socota.

Waxa kaloo uu Xukuumadda, Xisbiyada iyo Komishanka Doorashooyinka ku bogaadiyey inay markii kowaad ka heshiiyeen in laba doorasho oo isku sidkan laga wada qabto dalka,taasi oo uu ku sifeeyey horusocod ballaadhan, waxaanu soo jeediyey in Doorashooyinku mustaqbalka noqdaan qaar aan dib uga dhicin wakhtiga loo qabto.

Guddoomiye Cirro waxa uu shacbiga Somaliland u soo jeediyey inay qaataan tallooyinka caafimaad ee ka soo baxa Wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland isla markaana la qaato tallaalka Xannuunka COVID 19.

Md. Cabdiraxmaan Cirro waxa uu dadweynaha u soo jeediyey inay ilaaliyaan wadajirka iyo midnimada reer Somaliland.

blankShirkan waxa Xisbiga WADDANI mar kale u doorteen Cabdiraxmaan Cirro inuu noqdo Murrashaxooda madaxweynaha, waxana u coddeeyey 312 ergay, waxa diiday hal qof, cid ka aamustayna ma jirin.

Sidoo kale, waxa isna murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenka loo doortay Maxamed Cali Aw Cabdi,waxaana u coddeeyey 306 ergay, shan qof ayaa diiday, hal qofna wuu ka aamusay, guddoomiyuhuna muu codeyn.

Labada murrashax ayaa u mahadceliyey ergadii dooratay waxaanay sheegeen inay ku shaqeyn doonaan siyaasadda xisbiga iyo danta guud ee dalkaba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories