HomeGuddoomiye Cirro oo Macne-la’aan ku tilmaamay Socdaalka Madaxweynuhu ku marayo Gobollada dalka

Guddoomiye Cirro oo Macne-la’aan ku tilmaamay Socdaalka Madaxweynuhu ku marayo Gobollada dalka

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ahna guddoomiyaha Golaha Wakiillada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa micna la’aan ku tilmaamay Socdaalka loogu magac-daray BUUR iyo BANNAAN ee Madaxweynaha Somaliland ku marayo gobollo ka tirsan dalka.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inaanay jirin wax allaale iyo wax Isbeddel ah socdaalka Madaxweynuhu ka beddelayo xaaladaha ka jirta dalka maadama oo uu sida uu yidhi aanu madaxweynuhu waxba kaga qaban tabashooyin is-biirsaday oo looga fadhiyey inuu ka jawaabo.

cirro“Safarku hadduu ahaa mid wax ka qabanaya tabashada waxay ila tahay inuu munaasib ahaa laakiin, mar haddaan waxba laga soo qaban waxaa laga yabaa inaanu waxba ka beddelin jawigii jiray,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey garoonka diyaaradaha ee Hargeysa kaddib markii uu ka soo laabtay safar dibadeed oo uu muddo todobaaddo ah dalka kaga maqnaa, kaa soo uu ku soo maray waddamada Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta.

Guddoomiye Cirro waxa kale oo uu ka hadlay mowqifkooda la xidhiidha doorashooyinka, waxaanu yidhi, “Hawsha doorashada annaga Xisbi ahaan Mawqifkayagu waxa weeye in Doorashada la qabto xiligeedii, wixii hawl ah ee la qabanayana waxa laga rabaa Komishanka oo xilku saaran yahay, oo anigu waxaaban rajaynayay in Wakhtigan Qandaraasyadii iyo Diwaangalintii Codbixiyeyaashaba lagu dhawaaqo laakiin hadda uun baanu xogogaal u noqon wixii socda.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories