HomeGuddoomiye Cirro oo ku hanjabay Tallaabo u Diyaar ah oo ay qaadayaan...

Guddoomiye Cirro oo ku hanjabay Tallaabo u Diyaar ah oo ay qaadayaan haddii doorashooyinku wakhtigooda ka baaqdaan

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

“Siyaasadda Xisbiga Waddani waxa weeyi inaan maalin lagu darin Doorashada, haddii doorasho la qaban-waayo tallaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar”

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa ku hanjabay inay Xisbi ahaan diyaariyeen tallaabada ay kaga jawaabayaan haddii doorashooyinka dib-u-dhac ku yimaaddaan oo xukuumaddu muddo-kordhin uu sheegay inay qorshaynayso kaga dhabayso.

Guddoomiye Cirro oo Xukuumadda Siilaanyo ugu baaqay inay Beesha Caalamka fasiraad mug leh ka siiso Mawqifka iyo qadiyadda MadaxbannaanideedaGuddoomiyaha oo maanta khudbad ka jeediyey munaasibad taageerayaal xisbul-xaakimka Kulmiye ka diga-rogtay oo xisbiga ku soo biiray loogu sameeyey hotel Crown ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo uu ka hadlay eedaymo xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ugu jeediyeen inuu beddelay Xeerka diiwaangelinta codbixiyeyaasha ee loo gudbiyey Golaha Guurtida.

“Baryahan dambe waxaad saxaafadda ka arkayseen eedayn laysoo jeedinayo gaar ahaan guddoomiyaha Golaha Wakiillada. Waxaan shacbiga u xaqiijinayaa eedayntaasi inaanay ahayn mid jirta. Guddoomiyaha Goluhu xeerarka ma qoro, goluhu wuxuu leeyahay waaxyo gaar ah oo hawshaa u qaabilsan, xeerarkuna waxay maraan jaran-jarooyin iyo nidaam, sidii xeerarkii hore u mari jireen, kan hadda muranka la galiyeyna, jaran-jarada saxda ah ayuu mari doonaa, labada gole-ba wuu mari doonaa, haddana wuxuu la yaalaa golaha Guurtida. Waxaan rejaynaynaa, markay ka soo gutaan waajibaadkooda, in Golaha wakiilladuna dhammaystiro. Waxaan niyadsami ugu sheegayaa shacbiga wixii arrimaha xeerarku iyaga oo maraya meeshooda saxa ah ay dhammaan doonaan haddii Illaahay ka dhigo,” ayuu yidhi Md Cirro.

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md Cabdiraxmaan Cirro, ayaa ka digay halista sumcadda Somaliland iyo xidhiidhkeeda dibadda ay ku keeni karto doorashada oo wakhtigeeda dib uga dhacda, waxaau mashruuc siyaaadeed oo muddo-kordhin lagu baadi-doonayo ku sheegay muranka iyo khilaafka ka taagan golaha Wakiillada.

“Waxaan Shacbiga u sheegayaa waxa laysku haystaa maaha Xeerkii, waa muddo-kordhin. Khilaafka ka dhex-socda Golaha Wakiilladu waa Muddo-kordhin. Shacbigu ma oggola muddo-kordhin, beesha caalamka annagaa ka nimi oo ma oggola muddo-kordhin. Dib-u-dhaca Somaliland iyo ictiraaf la’aanta waxa keeni doorashada oo la qaban-kari waayo iyo dib u dhac ku yimaaddo, waxaanay noqon doontaa doorashadaas la qaban kari waayaa in Somaliland dhaawac weyni ka soo gaadho, mujtamaca dawliga ah ee ay saaxiibbada la tahayna, saaxiibbo badan ku weydo.”

Siyaasadda Xisbiga Waddani waxa weeyi inaan maalin lagu darin Doorashada, haddii doorasho la qaban-waayo tallaabooyinkii ku xigay waa noo diyaar,” sidaas ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories