HomeGuddoomiye Cirro oo Hargeysa Kaga Qeyb-galay Xaflad Loo Sameeyey Ardeyda Wax Ka...

Guddoomiye Cirro oo Hargeysa Kaga Qeyb-galay Xaflad Loo Sameeyey Ardeyda Wax Ka Barata Dugsiga Agoomaha ee Kuweytiga

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ahna Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga  ee WADDANI Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta ka qeyb-galay xaflad loo sameynaayey sanad dugsiyeedka ardeyda wax ka barata xarunta Agoomaha ee Kuweytiga oo ku taala bariga magaalada Hargeysa.

Xafladdan oo sida oo kale na looggu dabbaal-deggaayey wax soo saarka ay sameeyeen ardeydaasi gaar ahaan dhinacyada beeraha, qalabka lagu qurxiyo guryaha, sariiraha, kuraas iyo weli ba sida oo kale arrimo badan oo kale, ayaa waxa sida oo kale ka soo qeyb-galay Murashaxa Madaxweyne ku xigeenka WADDANI, wasiiro ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo weli ba mas’uuliyiin aad u tira badan.

Murashaxa Madaxweynaha oo ugu dambeyntii kulankaas soo gunaanaday, ayaa waxa sheegay in ay farxad weyn u tahay in uu ka soo qeyb-galo xafladdaasi isaga oo carabka ku dhuftay sida oo kale na ka sheekeeyey barnaamijyada kheyriga ah ee dawladda Kuweyd ay ka wado gudaha Somaliland.

“Ugu horeyn waxa aan u mahadcelinayaa hay’adda kheyriga ah ee reer Kuweyt iyo hay’adda khayrka ka shaqeysa ee geeska Afrika, oo maanta midhahii ay soo saareen aynu halkan ugu debaal degayno, gaar ahaan dhallinyaradii wax ka baratay Iskuulkan maanta aynu joogno, waxa aan is lee yahay dhismahani waa dhismaha Hargeysa ugu weyn oo ama Somaliland ha dhisto ama cid kale ha dhisto e’ , waxa kale oo iyana aynu ka warqabnaa in dawladda Kuweyd ay mashaariic kale oo fara badan ay wadanka gelisay oo ay ka mid yihiin Madaarka Hargeysa iyo weli ba Madaarka Berbera. Waxa kale oo ay ka qeyb-qaataan mashaariic kale oo horumarineed iyo kuwo gargaar ah ba, markaa waxa aynu u mahadnaqeynaa walaalkeen Ibraahim iyo Cabdicasiis oo halkan innoo fadhiya kana wakiil ah labada hay’addood ba”.Ayuu yidhi Dr.Cabdiraxmaan Cirro

Guddoomiyaha WADDANI oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxa uu sheegay in ardeyda iskuulkaas wax ka barata ee sameysatay kuraasta uu ka iibsanaayo 200 oo kursi, waxaana uu sheegay in uu uga gollee yahay siddii loo dhiiri-gelin lahaa dhallinyartaasi, waxaana uu yidhi:

“Waxaa aanu runtii ku faraxsan nahay midhahii uu soo saaray Iskuulku. Caruurta da’doodu kala duwan tahay ee halkan ku dhalatay iyo waxyaabahii ay soo saareen ee farsamada gacantu ka mid ahayd waxa aan halkan kaga dhawaaqayaa si loo dhiiri-geliyo dhallinyaradaas wax soo saartay, gaar ahaan kuwa qalabka Kuraasta soo saaray in aan ka iibsado 200 oo kursi.”.

Ugu dambeyntii na Dr.Cabdiraxmaan Cirro, waxa uu si aada u amaanay amiirka sugaya dhaxalka Kuweyd ee degan gudaha Somaliland isaga oo ku amaanay in uu yahay shakhsiga keliya ee reer Carbeed oodhan ka aaminay kuna nool gudaha Somaliland.
“Waxa aan halkan uga mahad-naqayaa waalidiinta caruurta dhashay ee halkan ka soo qeyb-gashay, dhammaan wasiirada, madaxda dhaqanka, culimada, qeybaha kala duwan ee bulshada iyo weli ba hablaheena qaaliga ah ee ay ka mid yihiin Aamin iyo Edna iyo dhammaan hablaha kale inta ba, waxa aan mar kale idin lee yahay aad baad u mahadsan tihiin, shacbiga reer Kuweyd, Amiirka reer Kuweyd iyo ninka dhaxalka sugaaya oo aan is lee yahay waa ninka qudha ee Carbeed ee aaminay Somaliland ee halkan ina la degan dalkeena, waxa aanu idiin sheegaynaa in shacabka reer Somaliland uu abaal badan idiin hayo, Ilaahayna ajar iyo xasanaad ha idiin ku bedelo wixii aad sameyseen ee wanaagsanaa.” Ayuu yidhi Cabdiraxmaan Cirro

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories