HomeGuddoomiye Cirro Oo Cisbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii, Oday Iskeerso iyo...

Guddoomiye Cirro Oo Cisbitaalka Ku Booqday Madaxweyne Siilaanyo Walaalkii, Oday Iskeerso iyo Muriidka Qabriga Sheekh Isaxaaq

Date:

Related stories

The Questions Behind Somaliland’s U.S. Campaign: A Closer Look at President Irro’s CFR Appearance

Somalilandpost News Analysis by Kadar Kaariye NEW YORK (SLpost)- The...

Somaliland President Faces Tough Questions on Taiwan, Israel, China and U.S. Security Ties

“Every citizen is a police in Somaliland" New York (SLpost)-...

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Hargeysa(SLpost):-Guddoomiyaha aqalka golaha Wakiilada Somaliland ahna hoggaamiyaha xisbiga WADDANI Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta soo booqday Cali Maxamed Maxamuud oo ah madaxweyne Siilaanyo walaalkii, sheekh Siciid Sheek Cabdiraxmaan Sheekh Maydh oo ah Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh, iyo siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerse oo dhammaantoodba muddooyinkii dambe xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn ee Hargeysa.

12699273_981070271973103_1066566673_o 12714218_981069935306470_1659713241_n 12696555_981070405306423_1835483282_o

Md.Cabdiraxmaan M.Cabdillaahi (Cirro), oo booqashadiisa uu ku wehelinaayey , ayaa ugu horeyn qolka uu cisbitalka kaga jiro ku booqday Cali Maxamed Maxamuud oo ah madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) walaalkii oo xaalad caafimaad u jiifa, waxaana uu ugu horeyn sheegay in Alle uga baryey in uu caafimaad deg-dag ah siiyo.

Cali Maxamed Maxamuud oo isna halkaas erayo kooban ku yidhi guddoomiye Cirro intii uu la joogay, ayaa sheegay in uu uga mahad-celinaayo booqashadiisa uu ugu yimi, isaga oo u ku amaanay wanaag badan, sida oo kalena u sheegay in uu yahay madaxweynaha dalka isla mar ahaantaana loogga baahan yahay in uu dalka tuulo tuulo u tago.

“Cabdiraxmaan madaxweyne, ayaad tahay dhagax-dheer ayaan kugu sugayey berigii dhaweyd ee aad socdaalka ku soo martay deegaanadaas, aniga iyo dadka deegaankaas oo dhammi diyaar ayaanu kuu ahayn, illaa 20-gaadhi ayaanu u diyaarinay soo dhaweyntaada, se waad naga lee xatay , waxaana aan kuu soo jeedinayaa ileyn madaxweyne ayaad tahee in aad deegaanada oo dhan socdaal ku soo marto, anaguna soo diyaar ayaanu kuu nahay, waana aanu ku sugaynay imikana dadkii dhammaantood waa kuu diyaar ee waa in aad socdaal ku timaadaa.”.Ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo walaalkii Cali Maxamed Maxamuud

Inta ka dib waxa uu Cabdiraxmaan Cirro booqday siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo muddooyinkii dambe isna xaalad caafimaad u jiifay cisbitaalka weyn ee Hargeysa, waxaana uu isna Alle uga baryey in uu caafimaad siiyo sida oo kalena uu ka dulqaado xanuunka haya.Siyaasi Maxamed Cabdi Iskeerso oo isna guddoomiyaha la hadlay, ayaa uga mahadceliyey booqashadiisa, waxaana uu carabka ku dhuftay in uu Alle uga baryaayo in Eebe uu muraadkiisa siiyo.“Guddoomiye Cabdiraxmaan, aad ayaan kaaga mahad-celinayaa soo booqashada aad isoo booqatay Allena waxa aan kaaga baryeyaa in aad muraadkaaga hesho.”.Ayuu yidhi Siyaasi Iskeerse

Ugu Guddoomiye Cirro oo booqashadiisa sii wata, ayaa waxa kale oo uu qolkiisa ku booqday Sheekh Siciid Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Maydh oo ah Muriidka Sheekh Isxaaq ee Maydh , waxaana uu isna Alle uga baryey in uu caafimaad sareecana siiyo isaga oo umadda Islaamka ahba.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories