HomeGuddoomiye Baashe Faarax oo ku baaqay in la furo Dastuurka, wax-ka-beddelna lagu...

Guddoomiye Baashe Faarax oo ku baaqay in la furo Dastuurka, wax-ka-beddelna lagu sameeyo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowliga ah

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Baashe Maxamuud FaaraxHargeysa (SLpost)- Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax, ayaa ku baaqay in dib loo furo iyo wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobbo ku jira Dastuurka Somaliland, kuwaas oo la xidhiidha arrimaha doorashooyinka iyo qaab-dhismeedka hay’adaha Dowladda.

Baashe Maxamed Faarax oo maanta war-fidiyeennada kula hadlayey xafiiskiisa golaha wakiillada, waxa uu soo jeediyey in la kordhiyo tirada mudaneyaasha Golaha Wakiillada isla markaana dalka loo sameeyo laba madaxweyne ku-xigeen. Sidoo kale waxa uu ku baaqay in wax-ka-beddel lagu sameeyo qodobka la xidhiidha dib-u-dhaca doorashooyinka iyo muddo-kordhinta ee ku jira Dastuurka si meesha looga saaro khilaafaadka soo noq-noqda ee arrimaha doorashooyinka.

“Waxaan soo jeedin lahaa in la kordhiyo tirada xildhibaannada Golaha Wakiillada, laba madaxweyne ku-xigeen in dalka loo sameeyo. Waxa kale oon soo jeedinayaa in la beddelo qodobka dastuurka ee ah Doorashaa dib u dhacday oo laga dhigo in xukuumadda hadba joogtaa ay masuuliyadeeda qaaddo inay doorashada xilligeeda ku qabato,” Sidaas ayuu yidhi Baashe Maxamed Faarax.

Dhinaca kale, Guddoomiye ku-xigeenka 2aad ee Golaha Wakiillada Somaliland, waxa uu ka hadlay socdaalka Cali Khaliif iyo Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Xagla-toosiye ku joogaan magaalada Buuhoodle, waxaanu Md Baashe Xukuumadda ku dhaliilay inay dayacday masuuliyaddii ka saarnayd kasbashada shacabka iyo deegaankaas. Md Baashe oo daba-socda socdaalka Cali Khaliif ku joogo Buuhoodle iyo Diyaarado Muqdisho ka yimi oo ka soo degay garoonka diyaaradaha ee magaaladaas, waxa uu yidhi, “Buuhoodle waa Somaliland, xukuumadda ayaanu masuuliyadi ka saaran tahay inay ilaaliyaan madaarrada iyo deegaanka. Aad iyo aad ayaan uga xukumahay inay soo fadhiistaan diyaarado aynaan innagu oggolaanshiyo u siinin, waana in la weydiiyo Wasiirka Duulista iyo Hawada.”

Isagoo ka hadlayey Socdaalka Wasiirka Caafimaadka Somaliland Dr Saleebaan Xagla-toosiye ku joogo magaalada Buuhoodle, waxa uu sheegay in magaalada Buuhoodle u baahan tahay talo-qaran oo laga yeesho si maamulkeedu y gacanta Dowladda Somaliland u soo galo, loogana saaro maamullada kale ee jira, balse aan loo baahnayn waxna ka qaban karin shakhsi ama masuul loo diro, waxaanu yidhi, “Waxa gaadhay oo loo diray Wasiir, qof shakhsi ah oo meel gaadhayna waxba ka qaban maayo, waayo Buuhoodle waa meel aan maamul ka dhisnayn, waxa wada degan oo jooga dowlado badan. Qof kaliya oo tagaana waxba kama beddeli karo, laakiin, Buuhoodle waxay u baahan tahay talo-qaran.”

Hadalka Guddoomiye Baashe kaga hadlay socdaalka Wasiirka Caafimaadka ee magaalada Buuhoodle, ayaa daba-socda hadallo isaga iyo xildhibaanno kale dhowaan warbaahinta u mariyeen Wasiirka Caafimaadka Dr Saleebaan Ciise Xagla-toosiye, kaas oo salka ku haya khilaaf laba geesood oo ka soo if-baxay hadal uu wasiirka Caafimaadku ku sheegay in gobollada Sool iyo Buuhoodle laga hirgeliyo diiwaangelinta iyo Doorashooyinka si shacabka gobolladaasi u soo doortaan xildhibaannada iyo masuuliyiinta dowladda u metalaya isla markaana meesha looga saarayo Nidaamka Is-xambaarka ah ee ay ku soo baxaan xildhibaannada gobolladaas ugu jira Golaha Wakiiillada. Waxaanay arrintani sababtay inay xildhibaano dhowr ah oo nidaamka is-xambaarka ku fadhiya kuraasta Golaha wakiillada oo Guddoomiye Baashe ka mid yahay ay weerar xulaysi ku qaadaan wasiirka caafimaadka.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories