HomeGuddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Ka Dhawaajiyey Farriin Liddi ku ah Musharaxnimada Cabdiraxmaan...

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo Ka Dhawaajiyey Farriin Liddi ku ah Musharaxnimada Cabdiraxmaan Cirro

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa madaxweynaha Somaliland ku eedeeyey inuu jabiyey qodobbo ka mid ah dastuurka dalka.

Guddoomiye Xirsi Cali oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta xisbiga, ayaa sheegay inuu madaxweynuhu ka tallaabsatay qodob dastuurka ka mid ah oo tilmaamaya shuruudaha looga baahan yahay cidda madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa loogu dooranayo dalku inaanay haysan karin baasaboor ajaanib ah.

Xirsi Cali Xaaji Xasan waxa uu sheegay in madaxweynaha Somaliland haysto baasaaboorka Dalka Jabuuti, sidaas awgeed uu jabiyey qodobkaas dastuuriga ah.

Hadalka Guddoomiye Xirsi Cali ayaa ku soo beegmaya xilli uu gebo-gabo ku dhow yahay muddo-xileedka loo doortay madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo muddo Hal sanno ku ahi u hadhsan tahay.

Balse, waxa hadalka guddoomiyaha loo fasirtay farriin ku socota Murashaxa madaxweynaha ee Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo isagu dhawaan xilka guddoomiyaha xisbiga ku wareejiyey Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa haysta dhalashada dalka Finland. Sidoo kale, guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe ayaa haysta dhalashada dalka Finland.

Muuqaalka Hoose ka daawo Hadaka Guddoomiye Xirsi Cali Xaaji Xasan oo dhaliilo kala duwan u jeediyey madaxweyne Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa.

Xildhibaan ka tirsan baarlamaanka dalka Finland oo dhawaan socdaal ku yimi Somaliland ayaa waraysi lala yeeshay kaga sheekeeyey kaftan dhexmaray madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo qasriga madaxtooyada ku qaabilay.

Xildhibaanku waxa uu sheegay inuu madaxweynaha kula kaftamay in dalkiisa Finland uu saamayn ku leeyahay siyaasaadda Somaliland maadaama oo ay guddoomiyeyaasha Xisbiga Mucaaradka Somaliland yihiin muwaadiniin haysta dhalashada Dalkiisa Finland.

Somalilandpost.net

contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories