HomeGuddoomiyaha Xisbiga Waddani oo fashiliyey tabcooyin siyaasadeed iyo qaar sharci oo Xukuumaddu...

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani oo fashiliyey tabcooyin siyaasadeed iyo qaar sharci oo Xukuumaddu ku baajinayso Doorashooyin Wakhigooda ku qabsooma

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo Golaha Wakiillada ee Somaliland Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi, ayaa iftiimiyey tallaabooyin uu sheegay inay caqabad ku yihiin qabsoomidda Diiwaangelinta Codbixiyeyaasha iyo Doorashooyinka oo xukuumaddu hormood ka tahay, ka dib markii, sida Guddoomiye Cirro sheegay, Golaha Wakiillada loo gudbiyey xeer-nidaamiye ka duwan shuruuc loogu talo-galay dejinta xeerarka diiwaangelinta oo Guddiga doorashooyinku u gudbiyeen xukuumadda.

CIRRO_WadaniGuddoomiye Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi waxa uu sheegay inay xukuumaddu golaha Wakiillada u gudbisay xeer-nidaamiye loogu talo-galay Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiyeyaasha oo hay’adaha Xeer-dejinta ee dalku aanay wax xeer ah hore ugu samayn, taasina ay ka horimanayso heshiis beesha Caalamku goob-joog ka ahayd oo xukuumadda iyo axaabsta siyaasaddu meel isla dhigeen.

Waxa uu guddoomiye Cirro tilmaamay inuu jiro mad-madow ku dhex-jira xeerka Diiwaangelinta ee loo gudbiyey Golaha Wakiillada sida uu sheegay aan waafaqsanayn nidaamka xeerarka lagu dejiyo ee goleyaasha Baarlamaanka u maraan xoojinta iyo wax-ka-beddelka xeerarka lagu saleeyo hay’adaha dawladda, halka sidoo kalena uu iftiimiyey in golahooda wakiillada loo gudbiyey xeer ka duwan mid ay Guddiga doorashooyinku madaxweynaha u gudbiyeen.

Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad xisbiga Waddani ku qaabilay taageerayaal cusub oo ku biiray, waxa uu sharraxaad ka bixiyey aragtida ay xisbi ahaan ka qabaan labada diiwaan-gelinood ee la qorsheyey inay dalka ka qabsoomaan ka hor inta aan la gaadhin doorashooyinka la filay inay sanadka dambe ka dhacaan dalka. Waxa kale oo uu ka hadlay natiijada kulamo dhexmaray labada guddoomiye Mucaarad ee isagu ka mid yahay iyo Madaxweyne Siilaanyo.

“Bishii toddobaad 2013-kii, waxa xafiiska arrimaha Gudaha axsaabta qaranka, Komishanka iyo wasaaradda Daakhiligu ku saxeexeen in labadaa diiwaangelinood qaranku u baahan yahay oo ay kala madax bannanaadaan isna garab socdaa, hesshiiskaasna waxa loo gudbiyey Deeq bixiya-yaasha,” ayuu yidhi Md Cirro.

Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay waxa uu yidhi, “Waxaanu Hutel Ambassador ku saxeexnay mar kale anagoo u sheegayna deeq-bixiyayaasha in diiwaangelinta Muwaadiniintana ay ka masuul tahay wasaaradda Daakhilgu, diiwaangelinta codbixiyayaashana ay ka masuul tahay Guddida doorashooyinka qaranku, si taas loo sii xoojiyo 17-kii bishii11aad ee 2013-kii waxa uu madaxweynuhu uu waraaq uu nuxurkeedu ahaa kala-madax bannaanaanta labada diiwaangelintood iyo inuu taageersan yahay heshiiskaas ay wasaaradda Arrimaha Gudaha, Komishanka doorashooyinka iyo axsaabta qaranku kala saxexdeen uu u gudbiyey deeq-bixiya-yaasha iyo asxaabta qaranka.”

Guddoomiye Cirro waxa uu kaga dhawaajiyey caqabado dhinaca sharci ah oo sababi kara dib-u-dhac ku yimaadda doorashada, kuwaas oo masuuliyaddeeda uu isaga riixay dhinaca xukuumadda, waxaanu yidhi, “Waxa la yaab noqday in madaxweynuhu 19-kii bishii 8aad ee 2014 Golaha wakiillada u soo gudbiyey xeer magac cusub wata oo la yidhaahdo ‘Kaabista Xeerka Diiwaangelinta Muwaadiniinta iyo Codbixiya-yaasha’ oo wata numberka xeerkii hore, xukuumadda Somaliland-na hore xeer-dejinta ugumay soo gudbin Xeerka diiwaangelinta muwaadiniinta. Markaa xeer hore oo dhaqangal ah oo arrintmaas ka yaallay ma jirin, Xeer aan jirina kaabis laguma samayn karo, Arrintaasna markii ay axsaabta qaranku ka waraysteen Komishanka Doorashooyinka, waxa ay u caddeeyeen in  xeerka madaxweynuhu Golaha keenay aanay ahayn kii ay iyagu u gudbiyeen iyo in haddii sida uu xeerku haatan yahay haddii lagu ansixiyo inaanay diiwaangelinta codbixiya-yaashu qabsoomi Karin. Waxaana ay taasi ku tahay caqabad Qasboomidda Diiwaangelinta codbixiya-yaasha iyo qabsooomidda Doorashada.”

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories