HomeGuddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Wefti uu hoggaaminayo oo soo-dhawayn ballaadhan loo sameeyey...

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani iyo Wefti uu hoggaaminayo oo soo-dhawayn ballaadhan loo sameeyey Burco iyo Nuxurka Khudbad uu taageerayaasha Xisbiga U Jeediyey (SAWIRRO)

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

BURCO (SLpost)- Taageerayaasha Xisbiga Waddani ee magaalada Burco, ayaa soo-dhawayn aan loo kala hadhin ku qaabbilay guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo wefti balaadhan uu hoggaaminayo oo maanta gaadhay Xarunta gobolka Togdheer.

Dadweynahan oo tiradooda lagu qiyaasay kumaanaan qof oo taageerayaal u ah Xisbiga WADDANI,ayaa waxaa ay waftiga guddoomiyaha kaga hor yimaadeen dagmada Qoyta oo illaa 15-KM u jirta magaalada Burco, waxaana ay lulaayeen calanka bilicda san ee Xisbiga WADDANI, sida oo kalena waxa ay ku dhawaaqayeen hadallo ay ku muujinayeen taageerada xooga ah ee ay u hayaan guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro.

DSCN3046Waftigan uu hoggaaminaayo guddoomiye Cirro ayaa waxaa ku wahelinaayey,musharaxa madaxweyne ku xigeenka,Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI,Xoghaye ku xigeenka,guddoomiye ku xigeenka 5-aad,xoghayaha arrimaha dibada,xoghayaha xidhiidhada gobalada,xoghayaha warfaafinta,xoghayaha dalxiiska,xoghayaha ku meel gaadhka ah ee garabka dhalinyarada,Siyaasi Siciid Sulub,Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble,Xildhibaan Cabdiraxmaan Xoog,Xildhibaan Tukaale,Xildhibaan Aareeye,Xildhibaan Mataan Hoori,Xildibaan Ibraahim Mahdi Buubaa,Mujaahidad Sahra Halgan,Xasan Cod-yare,,iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan.

Intaa ka dib markii ay taageerayaasha Isbadal doonka ah ee Magaalada Burco ay soo dhawaynta balaadhan u sameeyeen guddoomiyaha iyo waftigiisa ayaa gaba-gabadii waxaa ay la isagu soo biyo shubto goob barxad wayn ah oo loogu tala galay in guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro uu kala hadlo dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco.

Ugu horeyna waxaa halkaasi ka hadlay Xaaji Daahir Warsame Xiiray,waxaana uu si balaadhan uu u soo dhaweeyey waftiga uu horka caaya guddoomiye Cirro,isaga oo sida oo kalena u hambalyey dadweynaha magaalada Burco sida qiimaha badan ee ay u soo dhaweeyeen.

“Madashan aadka u quruxda badan ee lagu soo dhawaynaayo guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro),iyo waftiga balaadhan ee heer qaran,ee heer Xisbi ee uu hogaaminaayo,waxaanu leenahay waa hambalyo hambalyo guddoomiye adiga iyo Xisbiga iyo halgamayaasha badan ee heeraha kaa raacaya,dhalinyarada haweenka iyo guurtida sharafta leh ee ku soo dhawaysaba waxaanu leenahay hambalyo,waxaanu leenahay Illaaay khayr ha kadhigo Illaahay guul ha ku danbaysiiyo Illaahay Burco iyo Somaliland oo dhan-ba nabad iyo xasilooni iyo walaal-nimo uu Xisbiga WADDANI ugu soo dhiibo Illaahay ha xaqiijiyo oo run ha inoga dhigo ayaan leenahay.Illaahay nabad iyo xukun cadaaladeed oo Cirro gacantiisa inoogu yimaada Illaahay ha inoo soo da dajiyo ayaanu leenahay,Nidaamka jira iyo xukunka Axmed Siilaan-yana waxaanu leenahay Intii uu qabtayn ha looga mahad celiyo oo ha lagu qiimeeyo,hawlaha horyaalana ha loogu duceeyo in Illaahay isagana si wanaagsan uu ugu khatimo”Ayuu yidhi Daahir Warsame Xiiray

Xasan Xuseen Maxamed(Cod-yare) oo sida oo kale halkaasi ka hadlay ayaa waxaa uu isna dhinaciisa uu si aada uga mahad celiyey dadweynaha ku dhaqan magaalada Burco sida ay u so odhaweeyeen waftiga.

“Burco waan uga mahad celinaynaa soo dhawaynta aadka u quruxda badan ee ay noo sameeyeen,waanu u amaanaynaa,ha noolaato ayaan leenahay,wada jirka iyo midnimadeedu ha noolaato ayaan leenahay.Intaa ka dib waxaan u wax ka sheegayaa in dalkan la sheegtay baryahanba oo warbaahinta ku badan in dhaqaalaha dalka ay soo saareen KULMIYE oo Lacag badan in ay soo saareen ayaa ay sheegtaan oo Miisaaniyad balaadhan ayaa ay sheegtaan,meel lacagtaasi ay marto waan waynay bari baanu,arrintaa galbeedka waan ka soo waynay meel ay lacagtaasi martana waanu waynay,baribaanu nimi waana aanu soo gaadhaynaa in aanay Burco lafteedana aanay iman,gobalada kalena iska bada Biriishkii ayaanu aragnaa meel walba ayaanu aragnaa lacagtaasi waxa weeyaan sheega ma dhaafto”

Waxa kale oo halkaasi ka hadlay Xildhibaan Aareeye,Xildhibaan Tukaale,Xildhibaan Buuba,Xildhibaan Mataan Hoori,Siyaasi Siciid Sulub,Sahra Halgan iyo masuuliyiin kale oo aad u tira badan waxaana ay dhamaantood ay is daba mareen mahad-naqa ay u celinayaan qaabkii diiranayd ee ay xoogaga taageerayaasa Ibadal doonka ee WADDANI ay u soo dhaweeyeen Xisbiga WADDANI.

Waxaa isna sida oo kale halkaasi ka hadlay Xoghayaha Guud ee Xisbiga WADDANI.”Waxaanu aad iyo aad aanu idiin ku mahad naqaynaa haddaad tihiin Burco,sida balaadhan ee walaal-nimada leh,oo aanan hore u arag ee loogu soo dhaweeyey guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,ahna guddoomiyaha golaha Wakiilada Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi(Cirro) oo reer Burco oo wada jira sida ay u soo dhaweeyeen aad iyo aad ayaad ugu mahadsantihiin,waxaanan Xukuumada xasuusinaynaa in ay ixtiraamka umadda wakhtiga ay doorteen in ay doorashadii ku qabato se haddii ay isku daydo sida ay wado in ay mudada kordhisato,sida ay muddo dheer ku shaqaynaysay waxaanu ugu baaqaynaa gobalada dalka oo dhan in ay reer WADDANI ay uga diyaar garoobaan mudaharaad aan kala go’ lahayn”Ayuu yidhi Uur-Cadde.

Ugu danbayntiin waxaa halkaasi ka hadlay guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Md:Cabdiraxmaan Cirro,waxaana uu ugu horeyn uu halkaasi uga-ga mahad celiyey dadweynaa reer Burco sidii qiimaha badnayd ee ay u soo dhaweeyeen.

“Waxaan u mahad naqayaa shacbiga midaysan ee reer Burco,ee aniga iyo waftiga balaadhan nagu soo dhaweeyey magaalada Burco iyaga oo aan kala hadhin,aad iyo aad u mahadsan tihiin.Siyaasada Xisbiga WADDANI ee gobalka togdheer gaar ahaan magaalada Burco,waxa weeye in la helo burco kaliya oo midaysan Burco aan u qaybsanayn bari iyo galbeed,waxaan rabnaa Burco o mid kaliya ah oo kubada wada ciyaara,Barigii dhawayto ee Ciyaaraha Burco waa laga badiyey,waxaan doonaynaa in aan ku badalno Burco waa laga badiyey,Burco waa laga baqday sidii barigii hore,Burco haday midowdo waxaa ay dhalaysaa Somaliland oo midaysan,”ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro).

Somalilandpsot.net

Burco News Desk

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories