HomeGuddoomiyaha Xisbiga Waddani Cirro Oo Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray ku Qaadacay...

Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Cirro Oo Warsaxaafadeed Uu Soo Saaray ku Qaadacay in Dib Loo Dhigo Diiwaangalinta

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa(Slpost)-Guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa shaaciyay mawqifka xisbigaasi ee dib u dhigida diiwaangalintu ay tahay mid cad isla markaasna aanay ogalayn in marna diiwaangalinta dib loo dhigo, waxa uu ciro sheegay in hore abaaruhu ay u jireen loona joojin waayay gobalada Todheer,Awal, Saaxil, Hawd iyo meelo kalaba, waxaanu war saxaafadeed uu soo saaray uu u dhignaa sidan

“Diiwaangelinta codbixiyeyaasha waxay dalka ka bilaabantay 16/1/2016. Bilawgii diiwangelintana xaaladda abaartu way ka jirtey gobollada dalka oo dhan.Bulshada Gobolka Togdheer waxay soo jeediyeen baaqyo kala duwan oo ay ku codsadeen in dib loo dhigo bilawga diiwangelinta, hase yeeshee waxa la go’aamiyey in la bilaabo diiwaagelinta iyada oo la tix-geliyey qorshe-hawleedkii qaranku isku raacay ee diiwangelinta cod-bixiyeyaasha loo dejiyey.

Sidoo kalena abaar adag ayaa ka jirteyGobolkaAwdal waxayna codsadeen in diiwaangelinta dib loogu dhigo, lagamana yeelin. Sidoo kale, Gobollada Saaxil, Hawd iyo Gebiley oo duruufo adag oo abaaro ahi ka jireen waa laga diidey in diiwaanglinta dib loo dhigo.

Todobaadka soo socda oo ay diiwaangelintu ka bilaabmayso Gobolka Maroodijeex isla markaana aanay jirin duruuf ka duwan tii ka jirtey Gobolladii hore ee diiwaangelintu ka dhammaatey ama ay ka socoto komishankuna diyaariyey dhammaan wixii hawl ahaa ee looga baahnaa bilawga diiwaangelinta iyo iyada oo aanay jirin wax cabasho ahoo ka yimid shacbiga gobolka Maroodijeexlana xidhiidha dib-u-dhigisa diiwaangelinta cod-bixiyeyaashama muuqato mana jirto sabab loo hakiyo ama loo joojiyo.

Mudane madaxweyne joojinta ama hakinta diiwaangelinta waxay keeneysaa fashil ku yimaada diiwaangelinta codbixiyeyaasha oo qaranka tacab badani ka galay, waxaana Somaliland ka soo gaadhi doona hantaaqo iyo dhibaato aanay ka soo kaban karin, iyada oo hore ay u fashilantay diiwaangelintii codbixiyeyaasha ee 2008/2009.

Sidaas darteed Xisbiga WADDANIqayb kama noqon doonosoo jeedin,qorsheama go’aankasta oo lagu hakinayo ama dib loogu dhigayo diiwaangelinta guusha ku dhow oo aannu u aragno in haddii la hakiyo ama dib loo dhigo ay qaranka u geysanayso dhib weynoo aanu ka soo kaban karin.

Ugu danbayntii Xisbiga WADDANI waxa uu soo jeedinayaa in la isku wado u gurmadka shacbiga ee abaaraha iyo diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha, maadaama ay diiwaangelitu ka dhammaatey Gobollada Awdal, Togdheer, Saaxil, Hawd iyo Gebiley, loona baahan yahay in si siman looga hawl-galo gobollada dalka

_____________________________________

Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories