HomeGuddoomiyaha Xisbiga UCID oo si Adag u Weeraray Madaxweynayaasha Maamul-goboleedka Puntland iyo...

Guddoomiyaha Xisbiga UCID oo si Adag u Weeraray Madaxweynayaasha Maamul-goboleedka Puntland iyo Soomaaliya

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Eng Faysal Cali Waraabe, Guddoomiyaha Xisbiga Cadaaladda iyo Daryeelka, ayaa hadal Hanjabaad ah ku weeraray Madaxweyneyaasha Somaliya iyo maamul-goboleedka Puntland oo uu ku eedeeyey inay maleegayaan shir-qoollo ka dhan ah Somaliland.

faysal hanjabaadGuddoomiyaha UCID oo maanta hadal ka jeediyey munaasibad xisbigiisu ku soo dhaweeyey taageerayaal cusub oo ku soo biiray, waxa uu madaxweynaha Somaliya uga digay sheegashada uu maamulkiisa ku hoos geeyo Somaliland, taas beddelkeedana uu marka hore isu-keeno isla markaana maamul u sameeyo deegaanka ee u dhashay.

“Waxaan leeyahay Xasan Sheekhna, waxaan ku leeyahay Waar Somaliland iyo Somaliya ma midayn kartide Hawiye maamul u samee oo magaaladaada hagaajiso,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe, isaga oo intaas ku daray, “Inanka Xamar ku jira ee la baray sida NGO-yada looga shaqeeyo ee madaxweynaha laga dhigay, ee ku leh waxaan xukumaa ilaa Saylac wa inaan tusnaa inaanu xukumin.”

Sidoo kale, Faysal Cali Waraabe waxa uu si adag ula hadlay madaxweynaha Cusub ee dhowaan loo doortay maamul-goboleedka Puntland ee Somaliya oo uu ugu baaqay inuu maamulkiisa ku hoggaamiyo siyaasaddii ay hore ugu jeexeen madaxweynayaashii isaga ka horeeyey, waxaanu yidhi, “Madaxweynahan imika yimid waxa uu ololaha ku galay Sool iyo Sanaag, Waxaan leeyahay C/Weli, Sool iyo Sanaag dadkii lahaa baa leh, waxaan leeyahay waxa lagaa rabaa sadexdii Madaxweyne ee hore wixii wanaag ahaa ee ay sameeyeen inaad wax ku darto maaha inaad dagaal bilawdo, dagaalna waad ogtahay wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho, anagu waanu idiin sheegnoo waxaanu nidhi shaf la cuno malihin ee dhabar la cuno ayaanu leenahay, intaanu sii jeedno waanala cuni karaa, laakiin markaanu soo jeedsano waad na taqaanaa.”

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay Cabdiweli codkii waad heshaye caqli ku shaqee, waxaynu ka wada shaqaynaynaa  xoolahaa Soomali magaceeda lagu qaato ee ragga Xamar ku xidhan ee la ilaalinayo, sawaaxiliga bilyaniska la siinayaa ku  ilaalinayo,  ee doonaya maanta inay ciidamo inagu samaystaan. Ciidamaa la samaynayaa waxay inagu soo socdaan inaga iyo Puntland,  waa ciidamo 80%  ay reer yihiin, Waa kuwa ku bilaabay UDUB Land, waxan leeyaay Xasan Sheekh hadaad Khaatumo sheegtay ana UDUB Land ayaan ictiraafi doonaa, oo dadkii lahaa joogaan. Waxaan leenahay ciidamadaa Soomaliya loo samaynayo waa in laga joojiyaa, ilaa shantoodu isku yimaadaan, oo dawlad goboleelodayada ay ka yimadaan ciidamo isku miisaaman,  lacagtaa Xamar la siinayo waa in laga joojiyaa, lacagtana waa in dadka Soomaaliyeed oodhan loo qaybiyaa meelkasta oo ay joogaan, qaar dawlad goboleedka ah, anagana badhkayaga saani naloo siiyaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories