HomeGuddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Tog-wajaale ee...

Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye oo si diirran loogu soo dhaweeyay degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Tog-Wajaale, (SLpost)- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo ay weheliyaan xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland iyo masuulliyiinta xisbiga, ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay Degmada Tog-wajaale ee ku taal xuduudka Somaliland la wadaagto dalka Eithiopia.

blankGuddoomiyaha KULMIYE oo saaka ka ambabaxay magaalada Gabiley oo uu xalay u hoyday, ayaa tegay magaalada Wajaale oo ah magaalo ganacsi badan laga abuuray, waxaana weftigu soo dhawayn aad u ballaadhan kala kulmeen boqollaal ka mid ah taageerayaasha iyo dadweynaha degmada.

blankGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo fagaaraha Khayriyadda khudbad uga jeediyay dadweynaha reer Wajaale, waxa uu kaga jawaabay cabashooyin iyo tabasho badan oo dadweynaha iyo deegaanka Wajaale u jeediyeen xisbiga KULMIYE, isaggoo ka jawaabaya cabashooyinkaas waxa uu yidhi, “Wixii farriin ah oo si walba loo dhigay, farriintaas waanu qaadnay. Waxaan raacinayaa farriintaa aad KULMIYE ku dirteen qofkastaa ilmihiisa curad wixii uu ka baylihiyo wuu u dulqaataa markaa Wajaale waxan leeyahay KULMIYE idinkaa dhalay oo waa ilmihiinnii curad, dawladdana ay keeneen waa kii labaad,  Markaa wixii halkaa idinkaga baylaha, waa ilmihiinii oo cannaanteeda oo sammirkeeda wuu leeyahay wax halkaa idinkaga baylaha oo aad cid kale u daba fadhiisan doontaan, farriintana sideedaanu u qaadanay.”

blankGuddoomiye Muuse waxa uu intaa raaciyay oo yidhi,  “Waxaannan Ilaahay ka baryayaa inaanan halkan ku soo noqon annagoo leh farriin baanu qaadaynaaye wixii Wajaale doonaysay wax ma  ka qabanay. Wajaale waxna Somaliland oo dhan bay la qabtaa, oo iskuullada lacagta la dhimmay, mushaharka la kordhiya waa mid qaybtiina aad hesheen. Waxyaalaha idiin gaarka ahna sidoodaynu u daa.”

blankGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE waxa uu ka hadlay ujeedada safarkiisa, “Socdaalkayaga wuxuu ahaa inaanu halkan nimaadno oo shaqadii aad noo igmateen idiinka waranno, haddii ilmuhu xoolaha raaco oo halleeyo waa la uleeyaa ee lama dilo, markaa waxaad wax naga weydiisaan, waxaan ognahay inaydaan na dilayn ee aad na ulaynaysaan.

blank“Xoolihii aad noo dirteen haddii ay ammaan tahay iyo hadanu ul ku mudanayba diyaar baannu u nahay, iyadoo intaasoo cannaan ah loo jeediyay waxaannu idiinku nimi doorashadii deegaanka.”ayuu yidhi Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE.

blankGuddoomiyaha Gobolka Gabiley Cali Aadan Meecaad iyo Xildhibaan Ibraahin Axmed Haybe oo madasha soo dhawaynta ka hadlay, ayaa u mahadceliyay dadweynaha reer Tog-wajaale sida ay u soo dhaweeyaan weftiga Xisbiga KULMIYE.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo weftigiisu waxay maanta gelinkii danbe ku laabteen caasimadda Hargeysa.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories