HomeGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay tallaabada la gudboon ururrada Hadhay iyo...

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE oo ka hadlay tallaabada la gudboon ururrada Hadhay iyo Ujeeddada kulan uu la yeeshay Ibraahin-Dhaga-weyne

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

[H]argeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddoomiyaha Ururka UDHIS Ibraahin Cabdillaahi Xuseen (Dhega-weyne), waxaanu sheegay in kulankoodu uu ahaa kulamadii hore ee ka dhexeeyay labadooda, isla markaana aanay is-haynin, wax khilaaf ahina u dhaxaynin Dhagaweyne iyo Madaxweyne Axmed-Siilaanyo.

Muuse Biixi Cabdi, waxa kale oo uu sheegay inaanay jirin Xukuumadda Ururro ay wakhtigan is hayaan, isla markaana haddii ay cabanayaan Ururrada hadhay ay tahay inay maraan wadddada sharciga ah. “Horta erayga dhexdhexaadin waxa la dhexdhexaadiyaa laba dhinac oo is haya. Laba dhinac oo is-hayaa ma jiraan. Dhega-weyne waannu is aragnay horena waannu isu arki jirnay inaannu maalin wada qayilno  iyo inaannu maalin wada qadayna-ba horeba waannu isu arki jirnay. Tan immika waxaannu isku aragnay Gurigiisa oo waxaannu nahay Rag saxiib ah oo meel walba isugu taga.” Sidaas ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE mar uu ka hadlayey cabashada Ururrada hadhay ee qaaddacay natiijada Guddiga diiwaangelinta Ururrada iyo ansixinta Xisbiyada Somaliland soo saareen 20-kii bishii hore, waxa uu yidhi; “Waxaan u malaynayaa arrin immika cidi ergo u tagto oo dhexdhexaadin ka gashaa Ururrada iyo Xukuumadda  inaanay jirin oo cid  is haysaa immika ma jirto. metalan Ururrada hadhay maxay nagu leeyihiin? Waxay nagu leeyihiin waxay sheeganayaan in loo caddeeyo, taasi malaa waxay leedahay waddo ama Maxkamad ha noqoto ama Xukuumadda ha noqotee cidday ka cabanayaan inay Maxkamadda u gudbiyaan.” “Laakiin, eraygaas aad leedahay inaad dhexdhexaadiso, waa in la helaa cid ay Xukuumadda is-hayaan. Xukuumaddii cid ay is-hayaan ama Ururro immika ku soo taagani ma jiraan oo Xisbiga leh ha la I qanciyo waa in la qanciyaa. Qoladii Diiwaangelinta xaq bay u leeyihiin inay u shegaan sidii ay ku hadheen, waanay ka wadahadleen,” ayuu yidhi Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi oo u warramey Telefishanka HCTV

Muuse Biixi Cabdi oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaa ku daray oo uu yidhi;  “Dhega-weyne iyo aniga iyo Illaahay ayuun baa is ogaa, waana caadi in laba saxiib ahi ay is arkaan. Dhega-weyne iyo Ururkiisu wixii ay ka cabanayaan ee ay ku doodayaan ee Dastuuriya ee sharciya xaq bay u leeyihiin, Hay’adda ay ka cabanayaanna xaq bay u leedahay inay u caddayso waxay ka cabanayaan, waanay isla dhammaysanayaan oo waxba isla garan-waayi mayaan. Dhage-weyne iyo ciddiisa waa dad aan dalka looga baqayn oo xaq ku leh.”

SOMALILANPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories