HomeGuddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Weftigiisii Oo Ku Guulaystay Inay Nabad Dhex-dhigaan Laba...

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Iyo Weftigiisii Oo Ku Guulaystay Inay Nabad Dhex-dhigaan Laba Beelood Oo Ku Dagaallamay Gobolka Sool

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

(SL.Post) Guddoomiyaha xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE, ahna murrashaxa jagada Madaxweynenaha xisbiga Md. Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayey ee socdaalka ku marayey gobollada bari toddobaadkii u dambeeyeyba, ayaa ku guulaystay inay nabad u kala xidhnaan laba beelood oo walaalo ah oo dagaal dhimasho badan keenay ku dhexmarayey deegaanka Dherkayn-geeyo ee Koonfurta Gobolka Sool.

Kulan ballaadhan oo lagu qabtay magaalada Laascaanood ee xarunta Gobolka Sool oo la isugu keenay odayaasha iyo waxgaradka labada beelood ee colaaddu dhexmartay (Bah-hararsame iyo Qayaad), ayaa Guddoomiyaha KULMIYE iyo wasiirrada oo wehelinaya oo ay ka mid yihiin; Wasiirrada Arrimaha Gudaha, Madaxtooyada, Warfaafinta, Khayraadka Biyaha, Waxbarashada iyo xubno kale ay ku unkeen heshiis nabadeed iyo naar Kitaab Qur’aan ah gacanta loo saaray 90 oday oo beel walba ay matalayeen 45 xubnood.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Yaasiin X. Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa goobta ka akhriyey go’aan saldhig looga dhigay nabaddan oo ka kooban shan qodob, kuwaas oo u dhignaa sidan;

ü In toddoba casho gudahood lagu kala diro ciidan beeleedyada goobaha cayiman ku urursan.

ü In la sameeyo wacyigelin nabadeed oo guddi labada dhinac ahi ka sameeyeen deegaannada labada beelood degan yihiin muddo 14 casho ah oo ka bilaabmaya 1-da bisha January 2017.

ü In aan laga ogolayn wax hub ah goobaha lagu wada nool yahay sida tuulooyinka iyo ceelasha, haddii lagu arkana ay dawladda Somaliland la wareegi doonto.

ü Ciidammada Somaliland waxay ku amran yihiin inay qabtaan oo la wareegaan hub kasta iyo wixii astaan dagaal loo garto ee hore loogu gaystay ama haddaba loogu talogalay in lagu gaysto dagaal.

ü Xukuumadda Somaliland waxay awoodda ugu badan saaraysaa sidii nabaddaasi u hirgeli lahayd, waxaanay taageeraysaa cid kasta oo nabaddaasi ka shaqaynaysa.

Sidoo kale, Wasiirrada Wasaaradaha Madaxtooyada iyo Warfaafinta – Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Cismaan Cabdillaahi Saxardiid (Caddaani) oo khudbado ka jeediyey madasha, ayaa uga mahadceliyey odayaasha iyo waxgaradka labada beelood siday u aqbaleen dalabka xukuumadda, waxaanay ka warrameen heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay joojinta colaaddan iyo dadaalladii xukuumaddu ka samaysay.

Ugu dambayntii, Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hadal hogo-tusaalayn iyo waano iskugu jiray u jeediyey qoor-weynta labada dhinac ee nabadayntooda laga shaqaynayey, waxaannu yidhi, “Maanta waxa aanu halkan u soconaa ergo Islaamnimo, mid Somaliland-nimo iyo mid ehelnimo inaad naga yeeshaan inaad nabad nala qaadataan oo hortayadana wacad ku xidhaan, ergadaas waxaannu ka sidnaa dhammaan Somaliland iyo wixii nabad jecelba aad iyo aad bay noo damqaysaa 70-ka iyo dheeraadka ku dhintay waxaan la garanayn, dhaawaca intaas le’eg, hiirtaanyada iyo barakaca iyo dhibaatada dhaqaale ee idinka iyo qarankaba soo gaadhay.”

Guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu si kooban u sharraxay sida ay muhiimka u tahay in nabadda laga wada shaqeeyaa, “Waan hubaa intiina halkan fadhida iyo nin kasta oo waxgarad ah iyo waayeel ah inuu nabaddaas naga jecelyahay oo naga dadaal batay, haseyeeshee shaydaan baa ka adeegay, maantana waxaannu rabnaa inaynu nabadda labada gacmoodba isugu gayno oo ka adkaano cidda nabad-diidka ah.”

“Waxaannu doonaynaa inay halkan ku dhaartaan 45 oday oo labada dhinac ahi oo ay dhaartaasi hirgasho, xoogga dhiirrigelinayaana uu xukuumadda Somaliland yahay oo aanaan waxba kala hadhin oo aannu isla kiin garab taagno,” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi.

 

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories