HomeGuddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Eedaymo Kaga...

Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag Oo Wax Lala Yaabo Ku Tilmaamay Eedaymo Kaga Yimi Maamulka Jaamacadda Sanaag

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Ceergaabo (SLpost)- Guddoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag ayaa wax lala yaabo iyo been aan sal iyo raad lahayn ku tilmaamay eedaymo ay u jeediyeen Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag.

Guddoomiyaha wasaaradda Waxbarashadda Gobolka Sanaag Mr. Aniis Saalax Xaaji Xasan waxa uu arrimahan kaga hadlay qoraal kooban oo uu kaga jawaabayey eedaymaha loo jeediyey, kaas oo u dhignaa sidan:- “Aad ayaan ula yaabay eedaymaha is burinaya ee ay warbaahinta u qaybiyeen Maamulka Jaamacadda gobolka Sanaag. Haddii aan si kooban uga hadlo Jaamacadda Sanaag waxa si toos ah loo furay sannadkii 2011-kii, badhsaabkii waqtigaa joogay Cali Cabdi Hurre, waxa laysla qaatay in qaadhaan loo jaro Jaamacadda2012 iyo 2013 waa loo jaray , waa la siiyay lacagtii qaadhaanka waxa lagu shubay account xisaabeedkeeda.

Markaa kadib waxa soo baxday qaadhaanka wadada Ceergaabo, waxaana laysla qaatay in laba lacagood aan laga jari Karin Macalinka. Sidaa awgeed waxa halkaa ku istaagtay lacagtii Jaamacadda Ceergaabo hore loogu jarayay, waxaana qaadhaanka loo duway wadada Ceergaabo, waana arrin qaran masuuliyiinta ilaa heer wasiir laysla qaatay, waxaana la bilaabay qaadhaanka wadada iyadoo laga jarayo maclinka derejada A 49, 000 s/sh Macalinka derejada B 35, 000 s/sh.

Sidoo kale arrintaa wadada waxa qaadhaankeeda ka qayb qaatay Ardayda oo mid walba 1dolar sadex bilood laga qaadayay. sidii hawshaa looga qaybqaatayna warbaahinta waa lagala socday oo maaha wax muran ku jiro.

sideedaba ma jirto Jaamacad ku taal Somaliland oo lacag looga jaro shaqaale iyo macalin midna, Gobolka waxa laga furay Jaamacad kale, wasaaradda Waxbaarashadu labadaa Jaamacadood Sanaag iyo Jaamacadda Badhan waxay siisaa mid walba sanadkii 150,000, 000 s/sh( boqol iyo konton milyan), jaamacadda Badhan waxay soo celisay xisaab celin sax ah, balse Jaamacadda Sanaag oo lacagtaa qaadata waxa u dheer lacagta ay ka hesho debedaha oo bishii $ 1,000 bishii ka hesha, $ 2,000 laba kun oo dollarna waxay ka heshaa shaqaalaha gobolka, waxaana nasiibdaro ah in wax xisaab celin ah laga waayay maamulka Jaamacadda, isla markaana ay sheegteen in deyn lagu leeyahay oo ay usoo gudbiyeen Badhasaabka cusub in lagu leeyahay $ 21,000, oo dolar oo dayn ah.

Jaamacadda Sanaag wax ka muuqata maamulxumo, tusaale ahaan waxa dhigta 120, Arday waxa wax ka dhiga oo Macalimiin ugu qoran Jaamacadda 37 macalin, waxa halkaa ka cad in Ardayda dhigata iyo macalimiintu kala badan yihiin marka loo eego dhinaca maamulka iyo nidaamka waxbarashadda.

 

Maamulka Jaamacaddu qoraalkooda eedda ah, waxay ku sheegeen in aan si toos ah u diiday qaadhaanka Jaamacadda ee halka Doollar ah ee laga jaro shaqaalaha waxbarashada gobolka, haddana waxay sheegeen in aan lacagtii jeebka ku shubtay, waxay markaa su’aasha meesha taalaa noqonay goorma ayay run sheegayaan.

Gebagebadii waxan usoo jeedinayaa Maamulka Jaamacadda in ay isa saxaan oo maamulkooda hagaajiyaan si ay ula tartanto Jaamacaddu jaamacaddaha kale ee dalka, ama ay xilka iska wareejiyaan inta aanay jaamacaddu u ekaan meel laga barto xasadka iyo maamul xumadda.” Ayuu ku yidhi qoraalkiisa Gudoomiyaha Waxbarashadda Gobolka Sanaag Aniis Saalax.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories