HomeGuddoomiyaha Wargeyska Madaxa-banaan ee Saxafi oo Weli u Xidhan Xarunta Dambi-baadhista ee...

Guddoomiyaha Wargeyska Madaxa-banaan ee Saxafi oo Weli u Xidhan Xarunta Dambi-baadhista ee Hargeysa

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-  Guddoomiyihi Wargeyska madaxa bannaan ee Saxafi  Cabdifataax Maxamud Caydiid, ayaa weli ku xidhan xarunta ciidamada Dambi-baadhista ee magaalada Hargeysa, ka dib markii xalay wakhtiyo dambe ay Ciidamada ammaanku uga soo xidheen isaga oo ku sugan xarunta Wargeyska oo ay Khasab ku galeen.

Guddoomiyaha Wargeyska Saxafi ayaa lagu xidhay amar ka soo baxay Taliyaha ciidamada Sirdoonka Qaranka, Ilaa haddana ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambaysa xadhiga Wariyahan, balse waxa la sheegay in Wargeyska Saxafi dawladdu ku haysato baahinta war ku saabsan dad ajaanib ah oo Somaliland u imanayey arrimo amaanka la xidhiidha.

blankXadhigga Wariyahan waxa cambaareeyay ururrada saxaafada Somaliland oo tilmaameen in xadhiga Wariyahani muujinayo sida xukuumaddu ay weli uga go’antahay  cabudhinta xoriyatul qowlka isla-markaana ay uga dambqaynayso baahinta wararka xaqiiqda ah iyo gol-daloolooyinkeeda.

Xukuumadda Xisbiga Kulmiye, ayaa muddooyinkii u dambeeyey ku caan baxday la-dagaalanka xoriytal-qawl iyo warbaahinta madaxa bannaan, iyada oo wariyeyaasha xorriyaddooda looga qaado sifo sharci-darro ah isla markaana aan marka hore loo soo jarin waaran maxkamadeed oo khusaysa dacwadda loo haysto.

Xukuumadda haatan ayaa markii u horreysay mar kaliya xabsiga u taxaabtay labaatan wariye, taas oo ka dhigaysa markii u horreysa ee taariikhda Somaliland isku mar xorriyadda laga qaado war-fidiyeenno tiradaas le’eg, waxaana arrintan cambaareeyey ururrada Warbaahinta ee Caalamiga ah iyo kuwa Maxalliga ah.

SOMALILANDPOST.NET

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories