HomeGuddoomiyaha Wargeyska HAATUF, Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo mar kale Xabsiga loo Taxaabay

Guddoomiyaha Wargeyska HAATUF, Yuusuf Cabdi Gaboobe, oo mar kale Xabsiga loo Taxaabay

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Wargeyska Haatuf, Yuusuf Cabdi Gaboobe, ayaa mar kale maanta xabsiga loo taxaabay abaaro 11:30 duhurnimo, kadib markii ay maxkamadda gobolka Hargeysa ay tageen isaga iyo xoghayaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee Solja, Maxamed Rashiid Muxumed Faarax, kuwaas oo ujeedada ay maxkamada u tageen la xidhiidhay mudaynta Kiiskii Haatuf iyo Xukuumada ka dhaxeeyey.

Yuusuf GaboobeXoghayaha Ururka SOLJA Maxamed Rarashiid oo warkan noo xaqiijiyey, ayaa sheegay in isaga iyo gudoomiyaha Haatuf ay maxkamada maanta u tageen si loo mudeeyo xiliga ay bilaabmayso dacwada loo haysto Masuuliyiinta Haatuf iyo Garsoorihii dacwadaasi gacanta ku hayey oo ay masuuliyiinta Haatuf hore u dureensi habka uu uga garnaqayo dacwada Haatuf kaas oo ay codsadeen in laga badalo.

Xoghayaha SOLJA waxa uu intaasi ku daray intii ay hawshaasi mudaynta maxkamada iyo garsoore beddelka ay ku jireen oo ay kala hadlayeen gudoomiyaha maxkamada gobolka uu garsoorihii gacanta ku hayey dacwada Haatuf qoray waaran qabasho ah oo lagu qabanayo Yuusuf Cabdi Gaboobe, taasina ay sababtay in ciidamadii goobta joogay ay ku qabteen gudoomiyaha Haatuf gudaha Maxkamada loona dhaadhiciyey Xabsiga magaalada Hargeysa.

Bishii May 10-keeda ayay ahayd markii sidan oo kale guddoomiyaha Haatuf Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tifaftiraha wargayskaasi Axmed Cali Cige oo si xor ah u tagay maxkamada ay si qaflad ah u qabteen ciidamadii bileyska ee la soo dhoobay kuwaas oo u dhaadhiciyey xabsiga Hargeysa laba habeen kadibna loo dhaadhiciyey jeelka degmada Gabiley oo ay ku jireen mudo 17 cisho, balse markii dambe Damiin ahaan looga soo dayay Xabsiga Magaaladda Gabiley. Tifafatiraha Wargeyska Axmed Cali Cigge iyo Guddoomiyaha ayaa mar ay Warbaahinta la hadleen laba Todobaad ka hor waxay sheegeen in Dacwadda loo haysto aanay ka qayb-galayn ilaa ay helaan Maxkamadda Cadaaladda ah iyo in Dacwadoodda loo maro Xeerka Saxaafadda.

Wargeyska Haatuf ayaa ilaa hadda u Xayiran warar musuq-maasuq ah oo uu ka baahiyey Wasiirka Macdanta iyo Tamarta Xuseen Cabdi Ducaale oo uu wargeysku sheegay in muddadii uu xilka hayay uu ku kacay fadeexaddo Musuq-maasuq.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories