HomeGuddoomiyaha Wakiillada oo ka hadlay Qoraal Maxkamadda Sare ku Dalbatay Hakinta Go'aan...

Guddoomiyaha Wakiillada oo ka hadlay Qoraal Maxkamadda Sare ku Dalbatay Hakinta Go’aan khilaaf siyaasadeed salka ku haya oo shalay ka soo baxay Golahaas

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)-Maxkamadda Sare ee Dastuuriga ah ee Somaliland, ayaa shir-guddoonka Golaha Wakiillada u gudbisay Warqad lagu amray joojinta go’aan shalay ay mudaneyaasha golahaasi ku meel-mariyeen ansixinta guddi-hoosaadyo cusub oo loo sameeyey Golaha Wakiillada, kuwaas oo badankooda iyo kuwa ugu miisaanka culus u jan-jeedhaan dhinaca Dhinaca Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Md Cabdiraxmaan Cirro oo isagu hoggaamiye ka ah Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani.

cabdiraxman-cirroQoraalka Maxkamaddu u gudbiyey Shir-guddoonka, waxa xaqiijiyey isla markaana ka hadlay Guddoomiyaha  Golaha Wakiilada  Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi oo sheegay inuu soo gaadhay qoraal ka soo baxay maxkamadda Sare ee dalka oo sheegtay in la hakinayo go’aankii shalay ay Goleweynaha wakiiladdu ku meel mariyeen isku shaandheyntii dhawaan uu Guddoomiyuhu ku sameeyay Guddi hoosaadyadda aqalkaasi.

Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda waxa uu sheegay inay qoraalka maxkamadda ay jawaab celin doonaan Gole ahaan marka  uu soo naaqidsho la taliyaha dhinaca sharciga ee aqalka Wakiiladdu.

“Warqadaasi way nasoo gaadhay, waase aanu ka jawaabi doonaa markaanu u gudbino la taliyaha sharciga ee Golaha Wakiiladda, waxaanan aaminsan nahay in dastuurka dalku kala madax banaaneeyay shaqadda waaxaha kala duwan ee dawladda, annagu (Gole) ahaan ma farro gelino kiisaska dhulka ah ee ay maxkamaddu gacanta ku hayso,”ayuu yidhi Guddoomiyaha Golaha Wakiiladda oo maanta u warramayay laanta afsoomaaliga ee BBC-da.

Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu sheegay in Isku shaandheyntii lagu sameeyay Guddiyadda aqalka wakiiladda ay tahay qaraar Gole oo Xildhibaanadu shalay cod aqlabiyad ah ku ansixiyeen markii ay dalbadeen in la meel mariyo.

Guddoomiyaha oo la weydiiyay sida uu u arko eedihii ay shalay u soo jeediyeen labadiisa gudoomiye Ku xigeen, waxa uu yidhi “Waa laba nin oo aan jecelahay oo aanu saaxiib nahay waxaan filayaa waxay i siiyeen derajo dheeraad ah, markay yidhaahdeen Xildhibaanadii shalay go’aanka gaadhay waa Xisbiga  WADDANI. xildhibaanadii shalay aqlabiyadoodu waxay ahaayeen  KULMIYE. Saaxiibaday waxaan leeyahay meelo kale ayaa na kala mashquuliyay ee kuraasidiinii way idiin banaan tahay ee soo fadhiista.”

Geesta kalena fadhigii  labaad ee kalfadhiga 23-aad ee Golaha Wakiiladda ayaa maanta qabsoomay, iyadoo uu Guddoominayay Gudoomiyaha Golaha Wakiiladda waxaanay Mudaneyaashu dhegaysteen qoraal dheer oo la xidhiidhay warbixinta shirgudoonka aqalkaasi. Waxa kale oo fadhigan maalintii labaad aan ka soo xaadirin labada Gudoomiye Ku xigeen ee Wakiiladda.

Tallaabada Maxkamadda Sare qaraarka kaga soo saartay in la hakiyo Go’aanka shalay ee Golaha Wakiillada, ayaa ka dambeeyey ka dib markii labada Guddoomiye ku-xigeenka ee Golaha Wakiillada oo iyagu ka soo jeeda Xisbiga talada haya ee Kulmiye, ay gal-dacwadeed arrintan ku saabsan u gudbiyeen Maxkamadda Sare, iyaga oo ka dalbaday in maxkamaddu soo kala dhex-gasho maadaama aanay shir-guddoon ahaan isku waafaqsanayn wax ka-beddelka iyo isku-shaandheynta lagu sameeyey Guddi-hoosaadyada Golahooda.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories