HomeGuddoomiyaha Wakiillada oo iftiimiyay xidhiidh ka dhexeeya khilaafka UCID iyo hanjabaada UDUB...

Guddoomiyaha Wakiillada oo iftiimiyay xidhiidh ka dhexeeya khilaafka UCID iyo hanjabaada UDUB ee beddelaadda Shir-guddoonka Wakiillada

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) oo safar shaqo dibadda ugu maqnaa muddo laba todobaad ku dhow ayaa maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Egal International Airport ee magaalada Hargeysa.

blankGuddoomiye Cirro iyo wefti uu hoggaaminayay oo lagu marti-qaaday doorashooyinka Golaha Deegaanka ee Dalka Norway, waxa uu sheegay in safarkooda Norway si rasmi ah loogu marti-qaaday isaga iyo dhowr xubnood oo ay ku jiraan qaar ka mid ah guddiga doorashooyinka Somaliland.

Guddoomiye Cirro oo warbaahinta kula hadlay qolka nasashada ee Madaarka Egal International Airport, waxa uu sidoo kale ka hadalay aragtidiisa la xidhiidha hadal ka soo yeedhay Afhayeenka xisbiga mucaaridka ah ee UDUB Mr. Cali-guray oo ku dooday inay mucaarad ahaan ka hawl-gali doonaan sidii ay xilka uga tuuri lahaayeen shir-guddoonka Golaha Wakillada.

Guddoomiyaha oo ugu horreyn ka hadlaya natiijada iyo midho-dhalka safarkooda ayaa yidhi, “Safarkaasi aanu ku tagnay waddanka Norway waxa uu ahaa mid  Golaha Wakiiilada iyo Komishanka Doorashooyinka ay  marti-qaad kaga heleen wadanka Norway, kaas oo ka dhashay safar uu hore Wadanka ugu yimi Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibada ee Norway. Safarka aanu annagu halkaasi ku tagnay waxa uu lahaa saddex ujeedo oo kala ahaa; in aanu ka qayb galno Siminaarro caalamiya oo halkaasi ka dhacay iyo kan labaad oo ahaa inaan kulan la yeelano masuuliyiinta waddankaasi, waxaana aanu la kulanay Wasiir ku-xigeenka Arrimaha dibada, Baarlamaanka, xarunta xuquuqda aadamaha. Arinta saddexaadna waxay ahayd in aanu Goob joog ka noqdno Doorashooyinkii ka dhacay wadankaasi.”

Guddoomiyaha oo ka jawaabay su’aal laga weydiiyay sida uu u arko hanjabaaddii Xisbiga UDUB ee ahayd inay meesha ka saari doonaan shir-guddoonka wakiillada, waxa uu ku jawaabay, “Horta shir-gudsoonka mar horena waa laysku dayey in la rido, markaa ciddii r-di karaysaa, hayska soo diyaar garowdo. Ta labaad anigu Cali Guray waxaan ku ogaa afhayeenka UDUB, markaa arinka UCID inuu soo dhex galo in aanay haboonayn ayey ila tahay.”

Soo-laabashada guddoomiyaha Wakiillada ayaa ku soo beegantay wakhti uu isla maanta bilowday kalfadhigii 16 ee golaha Wakiillada Somaliland oo ay horyaallaan ajandayaal iyo xeerar muddo badan la sugayay ambo-qaadkood.

SP News Desk

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories