HomeGuddoomiyaha Wakiillada oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qoraal ay Komishanka Doorashooyinku U Soo...

Guddoomiyaha Wakiillada oo Faahfaahin Ka Bixiyey Qoraal ay Komishanka Doorashooyinku U Soo Gudbiyeen oo uu dib ugu celiyey

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Hargeysa (SLpost)-Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland Md. Cabdiramaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ahna Gudoomiyaha Ururka WADANI ayaa maanta markii ugu horaysay faahfaahin ka bixiyey Qoraal ay Komishanka Doorashooyinku u soo gudibyeen shir gudoonka  Wakiilada.

blankGudoomiyaha Golaha Wakiilada Md. Ciro ayaa waxa uu sheegay inay dhawaan Gudida Doorashooyinka Qaranku shir-gudoonka Golaha Wakiilada u soo gudbiyeen laba qoraal oo ay labda Xasbi  Mucaarid soo qoreen.

Md. Cabdiraxmaan Cirro ayaa waxa uu sheegay inay qoraal jawaab ah u direen Gudida doorashooyinka, Qoraalkaas oo uu sheegay in Shir-gudoonka baarlamaanku ugu cadeeyeen qaabka ay u bananaato xubinta Golaha Wakiiladu iyo sida loo buuxinayo.

Ugu horayna Md. Cabdiramaan Maxmed Cabdilaahi (Ciro ) ayaa waxa uu ka hadlay qoraalka ay ka heleen gudida doorashooyinka waxana uu yidhi “ waxaynu nahay Qaran Somaliland la yidhaahdo waxana aynu leenahay ha’ayado kala madaxbanaan waxana ha’aydadaasi ka dhaxeeya wada shaqayn hadaanu Golaha wakiilada nahayna waxa naga dhaxeeyey wada shaqayn wanaagsan, haday yihiin Gudida Doorashooyinka ama asxaabta jirtaba, waxanay hay’adahaasi  leeyihiin awooda iyo xeerar sharci oo u gaar ah, markaas anaga oo ixtiraamayna Komishanka Doorashooyinka waxay Golaha u soo gudbiyeen labada waraqood oo ka kala yimid Xisbiyada UCID iyo UDUB, waxan aanau u tilmaanay nidaanka loo raacayo xubinta ka banaanata Golaha Wakiilada oo ku qeexan xeerka lagu dooratay Golaha, hadii ay jago banaanato Golaha Wakiilada waxa baahinteeda isla leh Golaha Wakiilada Komishankuna ma laha cid kalena ma laha, mana baahin karaan waxan aanu rajaynanaa in wada shaqayntii halkaasi ka sii socon doonto, wixii khalaada la sixi doono.” Ayuu yidhi Md. Cabdiraxmaan Ciro.

Gudoomiyaha Golaha Wakiilada ayaa waxa mar aanu weydiinay nuxurka labada qoraal ee ay soo direen xisbiyada UDUB iyo UCID isla markaan auu komishanku Golaha u soo gudbiyey ayaa wax uu  ku jawaabay “ labada warqadood ayuun bay ahaayeen, waxanay lahaayeen xildhibaanaa naga baxay, waxa aanu u tilmaanay uun qodobadaa dastuurka ku qeexan iyo shuruucada dalka ee arintaasi ku saabsan.” Ayuu yidhi Md.  Ciro.

Somalilandpost.net

webmaster@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories