HomeGuddoomiyaha WADDANI oo xilal kala duwan u magacaabay Xisbigiisa iyo Magacyada Masuuliyiinta...

Guddoomiyaha WADDANI oo xilal kala duwan u magacaabay Xisbigiisa iyo Magacyada Masuuliyiinta loo igmaday

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

“Radio Hargeysa Wuxuu U Egyahay Radiyoowgii Dadka Ruwaanda Xasuuqay”Gudoomiye CirroHargeysa (SLpost) – Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Mudane Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) ayaa xilal Kala duwan u magacaabay Masuuliyiin uu ku jiro gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac.

Xilalkan uu magacaabay Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Dr Ciro ayaa waxa ka mid ah Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale), halka Mudane Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Sidoo kale Gudoomiyaha Xisbiga Waddani, Ahna Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbigaasi, waxa uu isla maanta magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani inuu noqdo Mudane Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) Iyo Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee xisbiga Waddani oo uu u magacaabay Mudane Saleebaan Ducaale Xaaji Daahir.

Waxaana lagu sheegay War-saxaafadeedka inuu Gudoomiye Ciro uu magacaabista masuuliyiintan uu u tixraacay qodobada 29aad farqadiisa 2aad iyo qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga, waxaanu ilaahay uga baryey inuu masuuliyiintan xilalka u fududeeyo

Waxaanay u dhignaayeen xilalka uu Magacaabay Gudoomiye Ciro sidan:-

REF/XIS/WAD/XDH/2451/2017                                                                   10th June, 2017

KU: Md. Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac                                                         Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Gobollada Dalka                                                                 Hargeysa

OG: Guddida Fulinta Ee Xisbiga WADDANI                                                         Hargeysa

OG: Hogaanka Xisbiga WADDANI                                                                         Hargeysa

OG: Xoghayaha Guud Ee Xisbiga WADDANI                                                        Hargeysa

OG: Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI                                                                  Hargeysa

OG: Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah                                                          Hargeysa

Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

 

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Saleebaan Ducaale Xaaji Jaamac loo magacaabo Guddoomiye-ku-xigeenka 2aad ee Xisbiga Waddani.”

 “Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:                 Qodobka 29aad, Farqadiisa 2aad Iyo 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan la tashaday:          Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:              Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Maanta oo taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 wuxuu hoggaanka xisbiga WADDANI go’aamiyey in Mudane: Xuseen Aadan Cabdi (Aadan Cadde) inuu noqdo Gudoomiyaha Gobolka Maroodi-jeex ee xisbiga Waddani.

Waxaanu Ilaahay ka baryeynaa inuu ku soo kordhiyo fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.”

“Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Siciid Muuse Cabdi (Bustaale) inuu noqdo Xidhiidhiyaha Gobolada Maroodi-jeex, Hawd iyo Gabiley ee xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.”

 “Ujeedo: Magacaabis Xil

Markaan Darsay:          Qodobka 30aad farqaddiisa 6aad ee Xeerka Xisbiga WADDANI

Markaan arkay:             Baahida loo qabo in la buuxiyo xilkan.

Markaan la tashaday:   Xubnaha Hoggaanka Xisbiga WADDANI

Markaan ku qancay:    Waayo Aragnimada iyo Aqoonta uu leeyahay.

Aniga oo tixraacaya qodobka 30aad farqadiisa 6aad ee Xeerka xisbiga WADDANI, kadib markii aan la tashaday, hoggaanka xisbiga, waxaan maanta oo ay taariikhdu tahay 10-ka June, 2017 go’aamiyey in Mudane: Xuseen Cismaan Cabdi loo magacaabo inuu noqdo ku-xigeenka Xoghayaha Dib-u-dejinta ee Xisbiga Waddani.

Waxaan Ilaahay kaaga baryeynaa inuu ku soo kordhiyo xisbiga WADDANI fikrado wax ku ool ah, waayo aragnimadiisa iyo Khibradiisaba.

ALLAA MAHAD LEH

Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Crro)

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI “

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories