HomeGuddoomiyaha WADDANI oo Dalka Lagu soo Dhaweeyay, Kana Hadlay Safarkiisa iyo Xaaladda...

Guddoomiyaha WADDANI oo Dalka Lagu soo Dhaweeyay, Kana Hadlay Safarkiisa iyo Xaaladda Dalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

 

 

Hargeysa(SLpost)- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland islamarkaana ah guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ”Cirro” ayaa maanta lagu soo dhaweeyay madaarka diyaaraddaha Caalamiga ah ee Cigaal. Boqolaal dadweyne ah oo iskugu jiray shirguddoonka golaha wakiillada, mudanayaal ka tirsan labada gole Baarlamaan, salaadiin, cuqaal, duqayti iyo waliba dhallinyaro ruxayey callanka gaarka u ah xisbiga WADDANI ayaa guddoomiyaha ku soo dhaweeyay afaafka hore ee qolka nasashada ee maddaarka Hargeysa.

Guddoomiyaha ayaa faahfaahin ka bixiyey safarkan oo mudada dhawr iyo labaatanka cisho ah uu ugu maqnaa in ka badan saddex waddan, isagoo arrimahaa ka hadlayana waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ku faraxsanahay aniga oo nabad qaba oo caafimaad qaba in aad ku soo noqday dadkaygii iyo dalkaygii, waxa aan u mahadnaqayaa dhammaan dadka isoo dhaweeyay. Waxa uu safarkaygu ahaa laba qaybood oo fasax iyo shaqo iskugu jirta, haseyeeshee waan soo gaabiyey arrimaha dalka ka jira awgood. Waxaan soo maray saddex waddan, dalka Finland oo aan kula kulmay masuuliyiinta dawladda Finland qaar ka mid ah iyo jaaliyadda reer Somaliland ee halkaa jooga. Waxa kale oo aan martiqaad ka helay Baarlamaanka Yurub iyo Holland.

Guddoomiyaha Baarlamaanka JSL isaga oo ka hadlaya waxyaabihii ay ka wada hadleen ee lagu soo qaaday shirarkaa dhawrka ah ee la yeeshay madaxda dalalkaa uu tagay, waxaana uu yidhi “Guud ahaan waxaan kala hadlay warbixin ku saabsan ama xog waran ku saabsan Somaliland, kaalmadda Somaliland la siiyo in la kordhiyo gaar ahaan mashaariic ku saabsan shaqo abuurka, iyo adeegga guud oo la kordhiyo oo biyaha iyo caafimaadku ugu horeeyaan. Waxa kale oo aan uga xogwaramay diiwaangelinta iyo doorashooyinka halka ay marayaan iyo arrimaha ictiraafka Somaliland. Wadahadaladaasi rajo weyn baan ka dareemay.

Mudane Cirro oo ka hadlayey khilaafka xisbiga Kulmiye iyo Wasiirradii dhawaan iska casillay xukuumadda Kulmiye ayaa waxa uu sheegay in dhamaan masuuliyadaas iyo xallinteedu ay u taalo madaxweynaha JSL mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo. “Xukuumaddu waa xukuumaddii qaranka, xisbigay doonto ha la dhiso. Way ka duwan tahay xisbiga. Waxay masuul ka tahay maamulka dalka, waxay masuul ka tahay nabadgelyada, waxay masuul ka tahay qabashada doorashooyinka, markaa haddii ay saamayn togan yeelato saamayn badan bay ku yeelanaysaa qaranka. Arrintaasi warwar badan bay galisay axsaabka mucaaridka, shacbiga iyo beesha caalamkaba. Arrinyaa xalkeedu waxa uu saran yahay madaxweynaha JSL, waxaanan u rajaynayaa arrintaasi in ay soo afjaranto”

 

Cabdiraxmaan Cirro oo saxaafaddu wax ka waydiisay masuuliyiinta ka soo cadhooda Kulmiye in ay ku soo dhawaynayaan WADDANI ayaa waxa uu ku jawaabay “Annagu qof walba xisbiga uu ku jiro ayaannu ku ixtiraamaynaa, masuuliyiintaa is casillay xilkii uun bay ka tageene kamay bixin xisbiga, laakiin wixii xisbiga ka taga way noo furan tahay in aannu la hadalnaa”

Guddoomiyaha WADDANI Waxa la waydiiyey xiliga uu xisbigu qabsan doono shirka xisbiga, waxaana uu kaga halceliyay “Qabsashada xisbiga shirkiisu ma foga, waxaan isleeyahay  sanadku intaanu dhammaan baad qabsanaysaan ama ama ka soo socda horaantiisa hadduu ILLAAHAY ka dhigo”

 

Ugu dambayn mudane Cirro waxa uu bulshada Somaliland baaq ugu diray in ay ilaalashadaan midnimadooda isaga oo intaasi u raaciyey in ay taagan tahay wakhtigii WADDANI la dooran lahaa.

 

 

Somalilandpost, Hargeysa Office.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories