HomeGuddoomiyaha Ururka SPP iyo Wefti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo...

Guddoomiyaha Ururka SPP iyo Wefti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Degmada Ceegaag

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Buuhoodle (SLpost)- Guddoomiyaha urur-siyaasadeedk SPP Saleban Ciise Axmed Xaglotoosiye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa si weyn loogu soo dhaweeyey deegaamo kamida gobolka Buuhoodle, halkaasoo shacbigu dareen taageero iyo yihdidiilo leh ay ku qaabileen weftiga oo maalmihii la soo dhaafay kulamo wada-tashi ah ka waday gobolada Sool iyo Buuhoodle.

Degmada Ceegaag iyo deegaamada hoos-yimaada, ayaa weftigu kulamo balaadhan kula qaateen hormuudka iyo qaybaha Bulshada, waxaanay uga warameen ujeedada socdaalkooda iyo xaalada siyaasaddeed ee Waddanka, gaar ahaan arrimaha Doorashooyinka soo fool leh,taasoo ay cuqaasha iyo waxgaradkuna si aad ah ugu riyaaqeen.

Ambasadoor Siciid Maxamed Daahir Afqarshe oo kamida aasaaseyaasha Ururka shacabka iyo xubnaha weftiga ku weheliya Dr.Xaglo-toosiye oo ka hadlay munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Magaalada Ceegaag, ayaa sheegay inay u socdeen oo ay gobolada Sool iyo Buuhoodle u yimadeen sidii ay wada-tashi ula yeellan lahaayeen shacbiga halkaas ku dhaqan, si mug iyo miisaan lehna loogu soo dhaweeyey, waxaanu guud ahaan mujtamaca deegaamada ay mareen uga mahadceliyey sida milgaha iyo maamuska leh ee ay u qaabileen iyo kalsoonida iyo taageerada ay u muujiyeen ururka iyo hogaanka Aasaaseyaashiisa.

Ambasadoor Siciid waxa uu kula dardaarmay bulsho-weynta reer Ceegaag iyo nawaaxigooda inay isu diyaariyaan hawlaha doorashooyinka, ugu horayna ay qaataan Kaadhka codbixinta Doorashada oo furre u ah inay doorashooyinka ka qayb-qaataan, codkoodana siiyaan ururka SPP.

Cuqaal, Odayaal iyo xubno ku hadlayey afka Haweenka degmadaas, ayaa balanqaaday inay cod iyo cududba isugu geyn doonaan sidii uu ururkaasi ugu gudbi lahaa kaalinta xisbi Qaran, isla markaana ay gaadhsiin doonaan inuu talada waddanka qabto, waxaanay intaa ku dareen inay isu-diyaarinayaan diwaangelinta Doorashada ka horaysa.

Guddoomiyaha Ururka Shacabka Somaliland Saleban Ciise Axmed (Xaglo-toosiye) oo ka hadlay kulanka wada-tashiga, ayaa ku dheeraaday muhiimadda degmada Ceegaag u leedahay gobolka, waxyaabaha laga rabo shacbiga ku dhaqan iyo fursadaha waxqabad ee ay ka faa’idayaan ka qaybgalka Doorashooyinka.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in aasaaska Ururka SPP ka dhashay daraasad iyo qiimeyn ku saabsan sidii ay bulshada u yeellan lahayd qaran loo dhan yahay, degmada Ceegaagna wuxuu ku booriyey inay sii horumariyaan bisaylka siyaasaddeed ee ay hore u muujiyeen.

Geesta kale, guddoomiyaha iyo weftigiisu waxa ay socdaal indho-indhayn ah ku mareen deegaamada Horufadhi, Sool-joogto, Maygaagle iyo tuulooyin kale oo hoos-yimaada Degmada Ceegaag, jiidaasoo ay u kuur-galeen xaaalad abaarreed oo ka jirta, Alle waxay uga baryeen inuu abaarta ka dulqaado roob deg deg ahna u shubo.

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories