HomeGuddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI iyo wefti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo...

Guddoomiyaha Urur-siyaasadeedka WADANI iyo wefti uu hoggaaminayo oo si weyn loogu soo dhaweeyey Sheekh iyo Burcom, xafiisyana ka furtay

Date:

Related stories

Somaliland Leaders Join Major Diplomatic Rally at UN Headquarters in New York

NEW YORK (SLpost)- A delegation of senior Somaliland officials,...

Somaliland President Meets Israeli UN Envoy as Diplomatic Push Continues in New York

New York (SLpost)- Somaliland President Abdirahman Mohamed Abdullahi (Irro)...

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Burco, (SLpost)– Wefti Ballaadhan oo uu Hogaaminayo Guddoomiyaha urur-siyaasadeedka Waddani ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland  Md. Cabdiraxman Maxmed Cabdilaahi (Cirro) ayaa Maanta Siweyn Loogu Soo Dhaweeyay Magaalada Burco Ee Xaruunta Gobolka Togdheer.

blankDadweyne aad u tiro badan oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada iyo gaadiid badan ayaa weftiga ururka WADANI kaga hortagay deegaanka Qoyta oo 20 km dhinaca waqooyi ka xogta Magaalada Burco.

Weftiga uu hogaaminayey Guddomiyaha Golaha wakiilada Somaliland C/raxman Cirro ayaa Lagu Soo wereejiayay jidadka Iyo shaaricyada Magaalada Burco.

Waxaana intaas kadib loo soo gelbiyey Xarunta Dhexe ee Urursiyaasadeedka WADANI oo isla markiiba Guddoomiyuhu xadhiga ka jaray, kadib Gudoomiyaha Ururka wadani Mud. Cirro Ayaa Boqolaal Taageerayaashiisa Ah kala Hadlay Barxadda hore ee Xafiiskiisa waxaana Uu Sheegay Inaanu Maanta U Socon Olele Balse ay Tahay oo kaliya inuu Buuxiyo Shuruudihii Ka Dhinaa Oo ay Kamid Tahay Buu Yidhi Furista Xafiisyada Gobolada Iyo Degmooyinka Dalka.

Waxa uu Dad weynaha reer Burco ku ammaanay inay yihiin Gobolka Ajandayaasha Xisbi kasta ansixiya ama taageeradoodu ay soo saarto xisbiga markaa ay taageeraan, waxaana Uu ka codsaday in dadweynaha Magaalada burco Ansixiyaan Ajandayaasha iyo Siyaasada Ururka Wadani.

blankSidoo kale, waxa halkaa Ka Hadlay Gudoomiye Xigeenkii Hore ee Gobolka Togdheer Guleed Daahir Samatar Iyo Guddomiyaha Heer Gobolka ee Ururka Waddani  Cismaan Afgaab iyo weliba Suldaan Jikaar, waxaana ay dhamaantood Sheegeen Inay Si Weyn U soo Dhaweenayaan Gudoomiyaha Urur Siyaasadeedka Wadani iyo Ururkiisaba,  waxaana Ay Ku Sifeyeen In Uu Yahay siyaasi Ruug Cadaa Ah Oo La soo Halgamay Somaliland welina ku jira halgankii.

Waa markii ugu horeysay ee Guddomiyaha Urur siyaasadeedka WADANI gaadho Gobolka Togdheer tan iyo intii lagu dhawaaqay Urur Siyaasadeedkani, waxaana ay dadweynaha Reer Burco ku soo dhoweeyen Farxad iyo weji furan, iyadoo DHammaan gaadiidkii iyo dadweynihii soo dhoweyey ay ka muuqatay astanta Xisbiga WADANI.

blankDhinaca kale Gudoomiyaha Ururka Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo wafdiga uu hogaaminayey oo ka soo kicitimay Magalada Berbera oo ay u hoyden xalay ayaa  si wayn loogu soo dhaweeyey degmada sheekh ee gobalka Saaxil, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay dadweynaha Magalada Sheekh. Sidoo kale Ururka Wadani waxa uu xafiisk akfurtay Degmada Sheekh ee Gobolka Saaxil

“Waxaanu halkan ka furaynaa Xafiiskii Ururku lahaa ee Degmada Sheekh, waxaanan idin sheegayaa inaan Dugsigii hoose iyo kii saraba aan kaga baxay iskuulada Sheekh, markaas waxaan samaynayaa balan- qaadkii ugu horeeyay ee Ururka Wadani kaas oo ah inaan Sheekh ka dhisi doono Jamacad, madaama oo ay leedahay iskuulo hoose iyo dhexe oo fiican.” Sidaas waxa yidhi Guddoomiye Cirro oo hadal u jeediyay Xafiiska cusub ee ururku ka furtay Degmada Sheekh.

Waxaa kaloo halkaas ka hadlay qaar ka mid ah Odayaasha Degmada Sheekh  “Anagu haddii aanu nahay dadka degmada sheekh gudoomiyaha Waddani waanun soo dhawaynaynaa isaga iyo waftiga uu hogaaminaayo” sidaa waxaa yidhi  mid ka mid ah Odayaasha Deegaanka.

 Sidoo kale Cabdillaahi Siciid Dheere, Muuse Xaaji Muxamuud  Guuleed (Muuse Inji),  iyo Marwo Khadiija Xaaji Ismaaciil (Bandare) ayaa si kala duwan uga hadlay siyada Ururka Wadani iyo safarada ay ku marayaan Gobolada bari ee Dalka Somaliland.

Ururka WADANI ayaa noqday kii ugu horreeyey urur-siyaasadeedyada ee buuxiya shuruudihii looga baahnaa isla markaana bixiyey lacagtii Diiwaangelinta, waxaanay taasi u saamaxday inuu sii kordhiyo isla markaana bilaabo dhaq-dhaqaaqyadiisa taageero doonka ah ee Gobolka Dalka.

Somalilandpost.net

Contact@somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories