HomeGuddoomiyaha UCID Oo Shir Caalami Ah Kaga Qaybgalaya Dalka Jarmalka

Guddoomiyaha UCID Oo Shir Caalami Ah Kaga Qaybgalaya Dalka Jarmalka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Berlin, (SLpost)- Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe ayaa shir caalami ah kaga qayb geli doona dalka Jarmalka, sida lagu sheegay war-saxaafadeed loogu talo-galay warbaahinta, kaasoo u qornaa sidan:-

Guddoomiyaha  Xisbiga UCID  Eng. Faysal Cali Waraabe oo casuumad rasmi ah ka helay gudoomiyaha baarlamaanka dalkaasi  Prof.  Dr. Norbert Lammert  ayaa todobaadkan u socdaali doona magaalad Berlin ee Caasimada dalkaasi Jarmalka , iyada oo shirku uu si rasmi ah u bilaabmi doono maalinta Khamiista isla markaana uu socon doono ilaa maalinta jimcaha , islamarkaana ay ka soo qayb gali doonaan xunbaha baarlamaanka
aqalka Bundestag  ee hada xilka haya iyo kuwii hore uga tirsanaan jiray, siyaasiyiin, dhaqaale yahano,xubno ka socda bulshada iyo saaxiibada jarmalka oo ka kala iman doona dunida dacaladeeda.

Shirkani oo ujeedadiisu ay tahay sidii loo xoojin lahaa xidhiidhka caalamiga ah ee aqalkani Bundestag uu qaybaha kala duwan ee bulshada la leeyahay ayaa labada maalmood ee uu socdo lagu falanqayn doonaa mawduucyo door ah,

Shirkani  caalamiga ah oo ah kii labaatanaad ee ay qabtaan aqalkan baarlamnka jarmalku ayaa ka qayb galka gudoomiye Eng. Faysal Cali Waraabeuu ka mid noqonayaa dedaalada uu sida joogtada ah ugu jiro fidinta iyo balaadhinta qadiyada Somaliland oo sida caadada ah ku soo maro wadamada saamaynta ku leh siyaasada aduunka , iyada oo uu haatana socdaal ku joogo dalka Imaaraatka carabta halkaasi oo uu shir muhiim ah kaga qayb galay.

ALLA MAHAD LEH

 

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories