HomeGuddoomiyaha UCID oo ka warbixiyey Ujeeddada Booqasho uu ku Joogo Boorama, Soona...

Guddoomiyaha UCID oo ka warbixiyey Ujeeddada Booqasho uu ku Joogo Boorama, Soona Dhaweeyey Mawqifka Prof Axmed Ismaaciil Samatar ee Wakhtigan

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Boorame (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo maanta booqasho laba maalmood ah ku tagay xarunta gobolka Awdal ee Boorama, ayaa ka warramay Ujeeddada socdaalkiisa wakhtigan.

Faysal Cali Waraabe oo warbaahinta kula hadlay Borama, waxa uu socdaalkiisa gobolka Awdal ku sifeeyey dedaallo nabadeed iyo xog-ururin ku saabsan shir wada-tashi qaran ah oo Dalka lagu qaban-doono Bisha June ee Sannadkan.

Guddoomiyaha oo ujeeddada socdaalkiisa ka warramaya waxa uu yidhi, “Waxa aan u imid wada tashi balaadhan oo aan la yeelan doono qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa aan rabaa inaan xog u rursado ku saabsan aayaha dambe ee dalka sidii salka loogu dhigi lahaa, waxa aan rabaa inaan u gogol xaadho shir balaadhan oo wada tashi qaran ah, oo aan saqiirin sida kii ay xukuumadu ku baaqday oo kale inaan qabano bisha JUNE hadii eebe idmo, waa lagama maarmaan inaan shirkaas qabano sababta oo ah waxa na horyaala arimo badan oo aan wali wax la iska waydin oo ay ka mid yihiin, dastuurkeena wali qabyada ah, beelaha dalka ee isku wada cadhoonaya, golaha guurtida oo noqday meel reeraha laga biilo, iyo xukuumadii aan dooranay oo 3 sano jirsatay oo aanan wali wax badan ka qaban inay dadka midayso oo arimaha na horyaala loo wajaho si laga midaysan yahay.”

FAYSAL-NEWONEEng. Faysal mar wax laga waydiiyay waxa uu ka Hadley kulan uu la qaatay Ugaaska Beesha Ciise Wakhti uu ku sugnaa Dalka Itoobiya, waxaanu yidhi, “Marwalba waxa aan taaganahay dhinaca reer Awdal, waxa la ogaa sidii aan uga hadlay iyo mawqifkii aan ka qaatay arrimo badan oo ka soo bilaabmay qulqulatooyinkii deegaanka Caadda, si isku mid ah ayaan ula kulmay labada Ugaas, waxana aan ka wada hadalnay midnimada umada, waxa aan rabaa inaan bedelo anigu Xaaji Cabi Waraabe, waxana ii qorshaysan inaan nabada gayiga Soomaalida ka shaqeeyo, dhinaca Itoobiya, waa lagama maarmaan inaan wax iska waydiino waxa aan ka yeelayno Kililka Shanaad oo ah dhul muhiim ah sidii aan uga faa’iidaysan lahayn ee aan wax uga qabsan lahayn, markaa waa lagama maarmaan inaan umada midayno.”

Eng. Faysal Cali Waraaabe waxa uu markale ka hadlay waxa uu ku diiday shirka London ee uu uga qayb galay shirkii ANKARA waxana uu yidhi “ Shirka London la inagalama tashan oo waxa ajandihiisa iska qortay Somalia iyo Ingiriiska, waxana ay rabaan inay arinta Somaliland hoos galiyaan, sidaasi aawadeed arinta Somaliland way ka wayn tahay wax la qariyo, sidaas ayaa sababtay inaan diidno, dhinaca kale shirkii Turkigu waa ka duwanaa kan London, waxa uu lahaa midho dhal fiican oo la taabay, wada hadalada Somaliland iyo Somalia waan soo dhawaynaynaa waxana ay qabsoomayaan waqtigii la mudeeyay balse shirka London ma aha mid qaranka iyo umada Somaliland u cuntamaya”

Eng. Faysal waxa uu ka waramay sida uu u arko in Prof. Samatar uu booqasho ku yimaado Somaliland, “Waa muwaadin Somalilander ah, waxa uu soo taabtay waxa aan Xamar kaga maqanahay, waanan soo dhawynayaa, sidan si lamid ah ayaan ka yeelaynaa Cali Khaliif Galaydh, balse dhibta haysata Cali ayaa waxa ay tahay isaga oo ay wax kale ugu lamaan yihiin, haddii uu Prof. Samatar Hargaysa ka soo dago oo ay xukuumadu ka gaabiso, anaga ayaa caleemo qoyan ku soo dhawynayna,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Eng. Faysal uu farriin u diray Madaxwaynha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud iyo Cali Khaliif Galaydh, “U sheega Cali in Xamar aniga la iga jecel yahay balse aan qadiyadda Somaliland ilaalinayo, sidoo kale Xasan Sh. Maxamuud waxa aad u sheegtaan in isagu aanu keeni karin midnimo Soomaaliyeed, waxa lagaaga fadhiyaa inaad midayso intii la isku odhan jiray Somali-Italia, intaas oo kaliya haddii aad midayso waa la wadi hadli karaa balse maanta yaan la hadalnaa, ma Puntland, ma Juba Land, Ma Baay mise Central Somalia, ma jirto cid aan la hadalnaa, Xasan Sheekhna waxaan u sheegayaa in anaga ay ahayd cida keentay midnimadii lixdankii, maantana aan anagu goosanay,” ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.

Somalilandpost.net

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories