HomeGuddoomiyaha UCID oo Dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda, mashruuca biyo-gelinta Caasimadda ee...

Guddoomiyaha UCID oo Dhaliilay Siyaasadda Arrimaha Dibadda Xukuumadda, mashruuca biyo-gelinta Caasimadda ee la marin-habaabiyeyna talooyin ka soo jeediyey

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa walaac ka muujiyay hoos u dhac ku yimi Siyaasadda arrimaha Dibada ee Somaliland iyo muranka Biyo gelinta Caasimada ka taagnaa bilihii u dambeeyay.

Faysal Cali Waraabe oo dalka dib ugu soo laabtay, kaddib safar muddo qaatay oo uu dibada ugu maqnaa, ayaa faahfaahin ka bixiyay Shirar uu kaga qayb galay wadamada Mexico iyo maraykanka, iyo sidoo kale kulan uu dalka Itoobiya kula yeeshay madaxda Wasaaradda arrimaha dibada.

fayslaGuddoomiyaha oo ay Madaarka ku soo dhaweeyeen, Madaxda sar sare ee Xisbiga UCID iyo Guddoomiyaha Xisbiga kale ee Mucaaridka ah ee Waddani, ahna Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, ayaa sheegay in Dagaal siyaasaddeed Somaliland kaga socdo dalka Somaaliya, dawladda iyo shacbiga Somaliland arrimo dhexdooda ah kaga mashquuleen ilaalinta qaranimada iyo ictiraaf raadinta dalka.

“Siyaasadda arrimaha dibadu way taagantahay. Halkaynu isla marayno iyo halka wax marayaan isma laha , baylah badanbaa dhacday, waxaynu nahay dadku isku jeeda, xilkii aynu umadda u haynayna waynu ilownay, wixii la balanqaaday ee ictiraafkana waa la ilaaway, markaa waxaa loo baahanyahay in dib laysu abaabulo.

Waxa jirta in Madaxweynaha Garoowe, isagoo isticmaalaya Reysal-wasaaraha Somalia, ayuu intaa dagaal inagula jiraa,”ayuu yidhi Faysal Cali-waraabe.

Guddoomiyaha oo ka hadlaya arrinta Xadka Itoobiya iyo wadahadalo uu kala yeeshay Wasaaradda arrimaha dibada ee dalkaas ayaa yidhi, “Waxaan soo maray dalka Itoobiya waxaan kula kulmay Wasiirka arrimaha dibada ee dalkaas oo aan kala hadlay arrinta xuduudka xidhan, waxay balanqaadeen in dhakhso loo furayo xadka.”

Guddoomiyaha Xisbiga UCID waxa uu si adag uga hadlay mashruuca biyo-ballaadhinta caasimadda Hargeysa oo uu ku tilmaamay fadeexad qaran, ka dib markii sifooyin aan habboonayn loogu dhalan-rogay arrimo siyaasadeed.

“Dibada markaan joogay arrinta aadka loo hadal hayaa waa arrinka biyaha Hargeysa oo noqotay faddeexad Qaran oo kale, arrintaa waxaan soo jeedinayaa in laga daayo qabyaalada. Umadda reer Somaliland oo dhan way u wada baahantahay biyo mashruucaasna waa laynu caawiyay ee halaga daayo qabyaalada,” ayuu yidhi Guddoomiye Faysal.

Faysal Cali ayaa sidoo kale Hay’addaha Xeer-dejinta ugu baaqay inay sameeyaan xeer lagu xakameynayo qabyaalada iyo kala qaybinta Bulshada “Waxaan soo jeedinayaa in layska daayo qabyaalada Telefishanka lala soo fadhiisanayo oo Baarlamaankuna soo saaro sharci lagu madnuucayo in qabyaalada warbaahinta loo isticmaalo.”ayuu yidhi mar uu ka hadlayay khilaafka biyo gelinta Hargeysa.

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, isagoo ka sii hadlaya Mawduucan, waxa uu Wasiirrada xukuumadda ku dhaliilay abaabulka Salaadiinta beelaha ee dhiirigelinaya qabyaalada, isagoo dhanka kalena iftiimiyay inaanay dawladda iyo shacbiga toona ka muuqan yihdidiilo ka turjumaya horumarinta dhismaha qaranka.

Waxaanu yidhi, “Waxa kale oo Wasiirrada abaabula Salaadiinta ee yidhaahda hadla, aan leenahay hala joojiyo arintaas foosha xun. waa in umadda la mideeyaa, hadii kale shacbiga waxaynu ka gelaynaa dambi wayn.

Maaha in umadda been loo sheego oo waxaan loo qabanayn lagu maaweeliyo, sababtoo ay tahay kama muuqato Masuuliyiinteena iyo shacbigaba himilo ah in qaran la dhiso,”ayuu ku sheegay gabagabadii Shirkiisa jaraa’id.

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories