HomeGuddoomiyaha Togdheer oo Shacabka ugu baaqay Inay Si Mug leh uga qayb...

Guddoomiyaha Togdheer oo Shacabka ugu baaqay Inay Si Mug leh uga qayb qaataan Dhammeystirka Dhismaha Madaarka Burco

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Burco (SLpost)-Guddoomiyaha Gobolka Togdheer Md Axmed Cumar X. Cabdillahi (Xamarje) oo shalay kormeer ku tagay Madaarka Magaalada Burco oo hawlo dib-u-dhis ahi ka socdaan, ayaa shacabka  Magaaladaaas, gudo iyo Debedba, ugu baaqay inay u kacaan Dhismaha Madaarka Magaalada Burco.

Axmed Cumar X. Cabdillaahi iyo Maamulaha Madaarka Magaalada Burco oo maanta warbaahinta kula hadlay iyaga oo ku sugan madaarka, waxay Shacabka ugu baqeen inay u guntadaan iskana kaashadaan dhismaha Madaarka Burco si looga saaro xaaladda uu wakhtigan ku sugan yahay.

XamarjeGuddomiyaha Gobalka Togdheer oo ugu horayn halkaas ka hadlay,  waxa uu sheegay in Madaarka Magaada Burco waxtar u yahay dhamaan Gobalada Bari ee dalka, waxaanu si gaar ah baaqiisa ugu socodsiiyey Ganacsatada, Culimo aw-diinka, aqoonyahanka iyo Qurba-jooga degmada Burco,  waxaanu yidhi, “Reer Burcow qaabka ay wax u socdaan waad arkaysaan iyo waxaynu hiigsanayno, waxaynu doonaynaa in Madaarka Magaalada Burco uu ka mid noqdo Madaarada Caalamka oo kale, markaa waxaan leeyahay waa inaad maalka u hurtaan Madaarka si looga saaro xaalada uu imika ku sugan yahay. Waxaan Shacabka Magaalada Burco gude iyo debad-ba leeyahay fadhiga ka kaca hadday tahay Baayac-mushtarka, Culimo aw-diinta, Aqoonyahanka, Qurba-jooga, Ardayda nususacahooda iyo Xoola dhaqatada Gobalka Togdheer inay Madaarka Magaalada Burco, markaa waxaan leeyahay Reer Burco gacanta jeebadaha ha galiyaan, waayo Madaarkani uu waxtar u yahay dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka Bariga.”

Dhinaca kale, Maamulaha Madaarka Magaalada Burco Cabdillaahi Yuusuf Axmed ayaa Shacabka Magaaladda Burco ku dhaliilay inay ka gaabiyeen doorkii ay ka qaadan lahaayeen dib-u-dhiska Madaarka Magaalada Burco, waxaanu yidhi, “Reer Burco wax lacaga lagama hayo sida ay ii sheegeen Guddiga ururinaysa lacagta qaadhaanka ah ee loo Uruurinaayo Madaarka Magaaladda Burco, markaa wixii hore ee ku baxay Madaarka waxna waxa bixiyey  shirkadaha Dahabshiil, Telesom iyo in yar oo laga qaaday xukuumadda, markaa Reer Burco gude iyo Debad-ba doorkoodii kamay qaadan Dib-u-dhiska Hawlaha Madaarka Magaalada Burco.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories