HomeGuddoomiyaha SONYO Oo Xaaladda Tahriibta Somaliland Ku Soo Bandhigay Shirweynaha Caalamiga Ah...

Guddoomiyaha SONYO Oo Xaaladda Tahriibta Somaliland Ku Soo Bandhigay Shirweynaha Caalamiga Ah Ee Dhallinyarada Adduunka

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Kuala Lampur (SLpost)- Guddoomiyaha Dallada Dhallinyarada Heer Qaran ee SONYO Mubaarak Ismaaciil Taani ayaa ka qayb galay shirweynaha dhallinyarada adduunka oo sannadkan si gaar ah loogaga hadlay Tahriibka Dhalinyarada Adduunka shirkaasi oo qabsoomay  12kii – 14-kii bishan September, 2013 kana dhacay dalka Malaysia, gaar ahaan Caasimada Gobolka Melaka ee Melaka, Guddoomiyuhu waxa uu shirkaasi ka jeediyay Khudbad dhinacyo badan taabanaysa oo uu ku faahfaahiyay xaaladda dhabta ah ee Tahriibta somaliland ee sida gaarka ah u saamaysay dhallinyarada. Sidoo kale waxa uu Guddoomiyaha SONYO kulan ballaadhan la yeeshay safaaradda Somaliland ee Malaysia iyo Ardayda reer Somaliland ee wax ka barata wadankaasi Malaysia. Waxa sidan lagu sheegay warsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Gudoomiye ku xigeenka SONYO Mustafe Maxamed Daahir oo aanu nuqul ka mid ah hellay.

Guddoomiyaha SONYO Md. Mubaarik Ismaaciil Taani oo wax laga waydiinay ka qayb galkii shirkaasi caalamiga ah ayaa sheegay in shirku ahaa mid aad u ballaadhan iyada oo lagu soo gunaanadmay qaraar ay dhallinyarada Adduunku ka soo saareen gaba gabadii shirka. Qaraarkaas oo ay saxeexeen dhammaan wadamadii dhallinyaradoodu ka soo qayb gashay shirka oo Soomaaliland-na ka midka ahayd, kuna saxeexay magaca Jamhuuriyada Somaliland.

3Shirkan, oo uu soo qaban qaabiyay Ururka Dhalinyarada Adduunka ee marka magaciisa la soo gaabiyo loo yaqaan (WAY) oo ay xubno ka yihiin ururada dhalinyarada ee 120 dal oo Aduunka ah, lana aasaasay 1949, waxa xafladiisii furitaanka ka soo qayb galay Wasiirka Dhalliyarada iyo Ciyaaraha ee Dalka Malaysia Mudane Khairy Jamaaladdin, Madaxweynaha Gobolka Melaka (Melaka State) Hon. Mohamed Ali Bin Mohamed Rustam oo ahna Gudoomiyaha Ururka Dhalinyarada Aduunka ( World Assembly of Youth – WAY) oo soo qaban qaabiyey shirkan caalamiga ah, Xoghayaha Guud ee Ururka WAY, Labada Gudoomiye Ku Xigeen ee Ururka WAY, saraakiil sar Sare oo ka socday xarunta Qaramada midoobay, safiiro iyo masuuliyiin aad u tiro badan. Waxa kale oo Shirkan si rasmi ah uga qayb galay in ka badan 250 dhalinyaro ah oo kala socday wadamada Aduunka oo Jamhuuriyada Soomaaliland ka mid tahay, si rasmi ah loogu soo casuumay.

4Guddoomiyaha Dallada Dhalinyarada Heer Qaran ee SONYO Mr. Mubarak Ismail Taani oo shirkaasi ka qayb galay ayaa ka qayb galayaasha shirka la wadaagay, una soo bandhigay xaaladda adag, isla markaa dhimashada badan ee dhalinyarada reer Somaliland ee Tahriibtaa la kulmaan inta ay ku jiraan socdaalkooda tacabirka ah. Xaaladdaas oo ergadii shirku dareen weyn ka muujisay aadna uga walaaceen.  Mudadii shirkani socday Gudoomiyaha Dallada SONYO waxa uu la kulmay Guddoomiyaha Ururka WAY, ahna Madaxweynaha Gobolka Melaka (Melaka State) Hon. Mohamed Ali Bin Mohamed Rustam isaga oo hadyad ahaan u guddoonsiiyey calanka Qaranka JSl, si rasmi ahna ugu wareejiyey waraaqaha codsiga ah ee xubin ka mid noqoshada Dallada SONYO ee Ururka Dhalinyarada Aduunka (World Assembly of Youth).

SONYO Umbrella Chairperson with Indonesia, Bangaladesh, Nepal, Yemen. and USA youth delegatesIntii lagu guda jiray ka qayb galka shirkan caalamiga ah waxa kale oo uu Guddoomiyaha SONYO Mr. Mubaarak kulano gaar gaar ah la qaatay Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Qaranka ee dalka Malaysia Mr. Mohamed Maliki Mohamed Rapiee, Guddoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ee dalka Yemen, ahna Guddoomiye ku xageenka Ururka WAY Mr. Hussein Al Ahmed, Guddoomiyaha Ururka International Youth Peace Forum (IYPF), ahna Gudoomiyaha Golaha Dhallinyarada Qaranka ee dalka Bangladesh, Mr. Alhajj Mohamed Fazlul, Guddoomiyaha Midowga Ururada Malaysia Mr. Yaxye Bin Mat Khatib, Guddoomiyaha Golaha Dhalinyarada Dalka Nepal Mr. Pradip Pariyar iyo guud ahaan hogaamiyayaashii Dhalinyarada ee ka kala yimid dunida dacaladeeda ee shirkan ka soo qayb galay.

Yahya Bin Mat Khatib Secretary General of Malaysian Association of Youth ClubsMubarak Ismail Taani, Guddoomiyaha SONYO waxa uu ka qayb galka shirkan ku tilmaamay mid muhiimad ballaadhan u lahaa  Dhallinyarada JSL iyo guud ahaan JSL, aadna loogu bartay Magaca Jahmuuriyada Somaliland. Sidoo kale qaraarkii shirka ka soo baxay oo loo kala diri doono dalalka Aduunka, Qaramada Midoobay, hayadaha qaadhaan bixiyayaasha waaweyn sida USAID iyo Midowga yurub, waxa dalalka Aduunka ee saxeexay, shirkana ka soo qayb galay ka dhex muuqda magaca Jamhuuriyada Somaliland. Waxa kale oo uu xusay Guddoomiyuhu in Jamhuuriyada Somaliland lagu suntay mid ka mid ah dalalka uu tahriibka Dhalinyaradu aafeeyey mudanna in wax lagala qabto taasina ay guul u tahay wax ka qabashada tahriibka dhallinteena  ee mustaqbalka.

Shirka ka dib, Gudoomiye Mubarak Ismail Taani waxa uu la kulmay ardayda reer Somaliland ee wax ka barata Jaamacada IUM ee magaalada Kuala Lumpur iyo sidoo kale Safiir ku Xigeenka Somaliland u fadhiya dalka Malaysia Mr. Aziz Bin Mustafa oo uu dhexmaray is xogwaraysi ballaadhan.

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories