HomeGuddoomiyaha SOLJA oo raaligelin iyo xaal ka bixiyey warsaxaafadeed qaar kamid ah...

Guddoomiyaha SOLJA oo raaligelin iyo xaal ka bixiyey warsaxaafadeed qaar kamid ah hoggaanka ururkaasi ku aflagaadeeyeen Daladda SONSAF

Date:

Related stories

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Taiwan Counters China’s Claims, Highlights Somaliland’s Support for Partnership

Hargeisa (SLpost) — The Taiwan Representative Office in the...

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha ururka suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa raalli-gelin iyo xaal ka bixiyey warsaxaafadeed ceebayn iyo aflagaaddo xambaarsanaa oo xubno ka mid ah hoggaanka ururkaasi todobaadkan ka soo saareen magaalada Hargeysa.

sonsaf3Guddoomiye ku-xigeenka Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Maxamed Cabdi Curad iyo Xoghayaha Guud ee ururkaasi Maxamed-Rashiid Muxumed Faarax, ayaa todobaadkan war-saxaafadeed ay warbaahinta qaarkeed daabacday ku aflagaaddeeyey daladda ururrada aan dawliga ahayn ee SONSAF oo ay ku eedeeyeen inay kala qoqobaysi saxaafadda madaxa-bannaan ee dalka, isla markaana ay u adeegayso gacmo shisheeyey oo cadow ku ah qaranimada Somaliland.

Guddoomiyaha SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf oo maanta hadal ka jeediyey kulan ku qabsoomay Hotel Maansoor ee Hargeysa oo lagaga hadlay duruufaha ku gedaaman warbaahinta Somaliland, kaas oo ay soo qaban-qaabisay daladda SONSAF, ayaa sheegay inay urur ahaan u taagan yihiin, kana shaqaynayaan wax kasta oo faa’ido iyo dan u ah saxaafadda Somaliland.

“Waxaan aad uga xumahay warsaxaafadeed xubno ka mid ah hoggaanka SOLJA soo saareen, sida la ogyahayna ururku xeer iyo shuruuc buu leeyahay, cidda hoggaanka SOLJA ku hadli kartaana waa aniga, warsaaxafeedkaasna waxba la igama ogaysiin oo markii la diyaarinayey dalka waan joogay, manaan dhiman, manaan dhoofin, waxaan warsaxaafadeedkaas xaal iyo raaligelin ka siinayaa SONSAF,” ayuu yidhi Guddoomiyaha SOLJA.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxa muhiim ah in laga hadlo waxkasta oo dani ugu jirto saxaafadda, wixii aanay dan iyo faa’iido ku jirin in la soo hadal qaado maaha, markaa dhammaanba qodobada ajandaha ah ee shirkan lagaga hadlayo waan wada eegay, kuma jiro hal qodob oo ka soo horjeeda danaha saxaafadda, haddaan Guddoomiyaha SOLJA ahayna wax kasta oo danta saxaafaddu ku jirto waan ka qaybgalayaa.”

SOMALILANDPOST.NET

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories