HomeGuddoomiyaha Shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo HIMILO uga warrantay Doorka ay ku...

Guddoomiyaha Shirkad laga leeyahay Ingiriiska oo HIMILO uga warrantay Doorka ay ku leeyihiin Curinta Ciidan ilaalin doona Shidaalka Somaliland oo UN-ku ka qayliyey

Date:

Related stories

The BK–Weedhsame Brawl: Behind the Noise Lies a Broken Music Industry

The argument between two visible artists may attract the...

Somaliland NEC Meets Taiwan Envoy to Review Progress on Electoral Management System

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland National Electoral Commission (NEC) has...

Somaliland Parliament Names Somalia Officials in Resolution on Abdinasir Dahable Killing

Hargeisa (SLpost)- The Somaliland House of Representatives has approved...

Somaliland Interior Minister Meets Taiwan President

Taipei (SLpost) — Somaliland’s Minister of Interior and National...

Security Concerns Rise in Hargeisa as Reports Emerge of Soldiers Allegedly Linked to Al-Shabaab

Hargeisa (SLpost)- Security concerns have intensified in Hargeisa following...

Hargeysa (SLpost)- Shirkad lagu magacaabo Assaye Risk oo shaqadeedu tahay la-talinta ammaanka, tabobbaridda Ciidammada u gaarka ah goobaha Shidaalka laga qodo ee heer caalami iyo weliba qalabayntooda, ayaa sheegtay inaanay Somaliland u tabobbari doonin, isla markaana u qalabayn doonin Ciidammo gaar ah oo ay Xukuumaddu sheegtay inay ilaalin doonaan Shirkadaha Sahaminta iyo baadhista Shidaalka Somaliland oo dhawaan la shaaciyey inay dalka ka hawlgeli doonaan.

Assaye-Risk-logo1Guddoomiyaha Shirkadda Assaye Risk oo laga leeyahay dalka Ingiriiska, ayaa beenisay inay tabobbar iyo qalabayn u samaynayaan Ciidanka ilaalinta Shidaalka Somaliland, balse hawshoodu ku koobnayd u diyaarinta Warbixin fududeynaysay abuuritaanka Ciidanka Somaliland ee ilaalinta shidaalka gaarka u noqon doona.

Sida shalay lagu baahiyey Wargeyska Boloomberg oo dhaqaalaha caalamka ka faallooda, ayaa lagu sheegay in Qaramada Midoobay werwer ka muujisay qorshaha Somaliland ugu kiraysatay Shirkadda Assaye Risk, oo ah shirkad qaabbilsan amaanka, inay tabobbar iyo qalabayn u samayso Ciidammada ilaalinta Shidaalka, oo ay ku bixi doonto Lacag gaadhaysa  $25 million (shan iyo labaatan Milyan oo Doollar).

Guddoomiyaha Shirkadda Assaye Risk Arabella Wickham, ayaa sheegtay in xubno gaadhaya 420 ee Ciidamada ilaalinta Shidaalka ee Somaliland ay dhinaca ammaanka ka caawin doonaan Shirkadaha caalamka ee hawlaha sahaminta Shidaalka ka samaynaya Somaliland. “Sida ka muuqata warbixinta, Assaye Risk, waxay ku muujisay waajibaadka ciidanka oo ah ilaalin, iyo ka hortag, halis ku soo waajahan shirkadaha sahaminta.” ayey Wickham tidhi.

Waxaanay Arabella Wickham intaas sii raacisay oo ay tidhi; “Ciidanka oo Xukuumadda Somaliland leedahay, si gaar ahna u shaqeynaya, waxa aqoonsan doona Qaramada Midoobay, waxaana lagu abuuray si waafaqsan dastuurka Somaliland.”

Guddoomiyaha Shirkadda Assaye Risk, ayaa beenisay warka Wargeyska Boloomberg ku sheegay inay tabobbar iyo qalabayn u samaynayaan Ciidanka ilaalinta Shirkadaha Sahaminta iyo baadhista Shidaalka ee Somaliland ka hawlgeli doona, kana hadlay hawl ay Xukuumadda Somaliland ka caawiyeen.

Balse, su’aal uu Weriye Maxamuud Walaaleye oo Wargeyska Himilo ka tirsani ka weydiiyey beenintooda warka Wargeyska Bloomberg kula xidhiidhiyey qalabaynta iyo tabobbarka Ciidanka ilaalinta Sahaminta iyo baadhista Shidaalka Somaliland iyo tafaasiisha ay ka bixisay ee Wargesyka Boloomberg soo qoray, ayey ku sheegtay inay isfaham la’aani jirto.

Guddoomiyaha Shirkadda Assaye Risk Arabella Wickham oo su’aashaas ka jawaabaysaa waxa ay tidhi; “Waxa jira isfaham la’aan. Assaye Risk waxay u diyaarisay Xukuumadda Somaliland warbixintii fududeynaysay abuuritaanka Ciidanka ilaalinta Sahaminta Shidaalka, balse annagoo ka fogaanayna khilaaf, gebi aahaan ma qalabayn doonno, tabobbar-na ma siin doonno Ciidankaas. Waannu sixi doonnaa Wargeyska Bloomberg kaalinta Assaye Risk ee arrinkan.”

Mar la weydiiyey Wickham in Shirkadda Assaye Risk ka qeybgeli doonto qandaraas lagu bixinayo Shirkadda ku guulaysata maalgelinta Ciidanka ilaalinta baadhista iyo sahaminta Shidaalka Somaliland oo dhawaan Xukuumadda Somaliland qaban doonto ayey ku jawaabtay; “Shirkadda Assaye Risk kama qeybgeli doonto qandaraaska aad sheegtay.”

 

XIGASHO: Himilo

Kadar Kaariye
Kadar Kaariyehttps://somalilandpost.news
Founder & Editor-in-Chief | Somalilandpost News Kadar Kaariye is a Somaliland journalist, media entrepreneur, and the Founder and Editor-in-Chief of Somalilandpost News, an independent bilingual digital news organization established in August 2011. Since its launch, Somalilandpost News has grown into one of Somaliland's recognized online news platforms, providing comprehensive coverage of politics, diplomacy, governance, business, security, and regional affairs across Somaliland, the Horn of Africa, and the wider international community. With more than a decade of experience in digital journalism, Kaariye has overseen the editorial direction and strategic development of the publication, emphasizing factual reporting, balanced analysis, and timely coverage of major political and socio-economic developments. Under his leadership, Somalilandpost News publishes news and feature stories in both English and Somali, serving readers within Somaliland and the global Somali diaspora. As Editor-in-Chief, Kaariye manages editorial policy, newsroom operations, investigative reporting, and multimedia publishing while maintaining professional journalistic standards and editorial independence. His work has focused extensively on Somaliland's democratic development, foreign relations, regional security, economic affairs, and international recognition efforts. In addition to leading Somalilandpost News, Kaariye has contributed to the advancement of digital media by expanding the organization's online presence across multiple platforms and strengthening its role as a trusted source of breaking news, in-depth analysis, and public-interest journalism. EMAIL: kaariye@somalilandpost.news Headquarters: Hargeisa, Somaliland

Subscribe

- Never miss a story with notifications

- Gain full access to our premium content

- Browse free from up to 5 devices at once

Latest stories